XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Calaamadood Oo Lagu Garto Marka Uu Lamaankaaga Ku Naco

Shaki makaaga jiraa jacaylka uu kuu qabo lamaankaaga? Xaqiiqda ayaa ah marka uu shaki kaasoo galo jacaylka uu kuu qabo lamaankaaga in dhibaato ay jirto.

Hoos ka aqriso 5 Calaamadood oo lagu garto in lamaankaaga uu ku nacay.

1. Isbedel badan

Mid kamid ah calaamadaha muujiya in lamaankaaga uu ku nacay ayaa ah dhaqankiisa oo noqda midaan joogta ahayn isla markaana isbedela. Maanta waa mid daryeel iyo kalgacayl leh; berrina xittaa ma rabyo inuu ku arko isagoo rajeeya in noloshiisa aad uga baxdo.

2. Wuxuu joojiyaa inuu nafta kuu huro

Marka lamaankaaga uu joojiyo in dadaal badan uu ku bixiyo sidii uu xiriirka u shaqeyn lahaa taasi waa tilmaan muujineysaa inuu joojiyay jacaylkii uu kuu qabay. Lamaankaaga waxaa macquul ah inuu waqtiyo yar kusoo Waco isla markaana uusan kuu taagneyn markaad xanuunsantahay isla markaana uusan ka jawaabin markaad ixsaan weydiisato.

3. Had iyo jeer dhibaato ayaa tahay

Lamaankaaga wuxuu bilaabaa inuu kuu arko sababta ay wax kasta u qaldamaan marka uu joojiyo jacaylkii uu kuu qabay. Wuxuu tan u sameeyo ayaa ah wuxuu isku dayayaa inuu helo sabab uu kaaga tago isagoo doonaya inuu sabab kaaga dhigo burburka xiriirka.

4. Wuxuu joojiyaa inuu ku amaano/ kuu mahadceliyo

Lamaankaaga wuxuu joojin doona inuu ku amaano ama kuu mahadceliyo isagoo mar dhib ah arki doona dadaalkaaga waana calaamad muujineysa inuu ku nacay. Lamaankaaga intii uu kaaga mahad celi lahaa kuguna amaani lahaa waxyaabaha wanaagsan ee aad sameyso ama dadaalkaaga wuxuu bilaabi doonaa inuu kugu dhaleeceeyo waxyaabihii uu kaaga mahad celi jiray.

Related Articles

Back to top button