7 Farriimood Oo Aad U Macaan Oo Uu Ninkaaga Jeclaan lahaa Inuu Kaa Helo

Haddii aad heysato nin aad kuu jecel, farriimahan kalgacaylka xambaarsan waxay dareesiinayaan inaad adigana jeceshahay oo aad qadariso, waana kuwo uu kaa filayo.

1. Soojiidasho ayaad lahayd maanta

Kadib hasaawaha, inaad farriintaan u dirto saaxiibkaa qalbigiisa ayay dhalaalineysaa. Inaad dareensiisid una sheegtid inuu soo jiidasho lahaa oo uu qurxoonaa waxay dareensiineysaa qadarin, mar walbana wuxuu isku dayi doonaa inuu noqdo mid soo jiidasho leh.

2. Ma sugi karo intaan mar kale kaa arko

Haddii aadan arkin ninkaaga muddo, ama laga yaabo inaad uxiistay, tani waa farriinta ugu fiican ee aad u diri karto; aad ayuu ugu farxi doonaa inuu mar kale ku arko.


3. Adigaan kaa fekeraa

Nin kastaa wuxuu doonayaa in sidaan la yiraahdo. inaad ka fekereyso isaga ayaa dhab ahaantii ka dhigeysa mid gaar ah isla markaana dareensiineysa inuu kugu weynyahay.

4. Waan jeclahay la joogaaga

Farriintani waxay u sheegi lahayd inaad jeceshahay wehelkiisa iyo in aad jeceshahay la joogiisa waana mid dareen gaar ah xambaarsan.

5. Waankuu xiisay

Ha ogaado inaad u xiistay, xittaa haddii uu shaqo ku maqanyahay.

6. Waxaan rajeynayaa inaan hadda kula joogo

Farriintani waxay u diri lahayd feker iyo rabitaan fara badan, isagoo jeclaan lahaa inuu si deg deg ah kula joogo.

7. Mar kale Ayaan ku dooran lahaa

Farriintani waxay tusaysaa oo ay dareensiineysaa qiimo, wuxuu arkayaa in isaga maahane aadan qof kale rabin, waana farriin qiimo dhab ah xambaarsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button