6 Calaamadood Oo Lagu Garto Inaad Heshay Nin Waligaa Ku Jeclaan Doona

Waa inaan qiraa inay adagtahay helitaanka qof si dhab ah kuu jecel maantadan la joogo. Wanaaga uu leeyahay jacaylka iyo faa’idadiisa ayaa ah markaad ugu dambeyn hesho qof si dhab ah kuu jecel, waa jecleysan doontaa noloshaas iyo dareenkaas adigoo ku duceysan doona inaysan marnaba kaa dhammaan.

Waa kuwaan 6 calaamadood oo lagu garto inaad heshay nin waligaa ku jeclaan doona.


1. Kaama cararaayo markay dhibaatada ama culeyska bato

Ninka waligaa ku jeclaan doona ma cararaayo marka uu culeyska ama dhibka kordho. Haddii culeyska ku kordho xiriirka, si xushmad leh ayuu kaala hadlayaa isagoo dadaal dhab ah ku bixinaya sidii uu uxalin lahaa.

2. Dhibkaaga waa dhibkiisa

Ninka waligaa ku jeclaan doona marnaba kuuma ogolaan doona in dhibaatada ama culeyska aad kaligaa wajahdo. Haddii ay wax ku dhibayaan, sidoo kale isagana way dhibayaan. Had iyo jeer waa kan ku garab istaagi doona isagoo isku dayi doona inuu dhibkaas kaa caawiyo.

3. Wuxuu sameyn doonaa wax kasta si uu u saxo qaladaadkiisa

Ninka waligaa ku jeclaan doona wuxuu sameyn doona wax kasta si uu u saxo qaladaadkiisa. Haddii uu ku dhaawco, dhib walba ayuu mari doona si uu wax u saxo. Wuu murugoon doonaa haddii uu sameeyo wax ku dhaawaca isagoo sameyn doona wax kasta oo ay qaadato sidii uu u sixi lahaa qaladaadkaas.

4. Waa kuu daacad

Wiilka waligaa ku jeclaan doona ma ogolaanayao in dhexdiina lasoo galo. Mcino weyn ayaad ugu fadhisaa wuxuuna qiimeyn doonaa xiriirka.

5. Wuuu ogyahay waxyaabaha aad jeceshahay

Ninka waligaa ku jeclaan doona wuu ogyahay waxyaabaha aad jeceshahay. wuu ogyahay nooca cunnada aad jeceshahay, iyo waxyaabaha kale ee aad xiiseyso.

6. Ma filaayo inaad noqoto qof dhan kasta u wanaagsan
Ninka waligaa ku jeclaan doona marnaba kaama filan doona inaad dhan kasta ka wanaagsanaatid. Wuu ogyahay in qof kasta uu qalad sameeyo wuuna ku qosli doonaa qaladaadkaaga xittaa haddii ay dhaawaceen. Waxba qalbiga kuuguma heyn doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button