6 Waxyaabood Aad Sameysay Oo Sababay In Gabadha Ay Ku Nacdo (Iska Ilaali)

Maadan qiyaanin, waligaa maadan hilmaamin inaad hadiyad u keento xilliyada dhalashadeeda balse wali way ku nacday mana ogaan kartid sababtaas.

Waakuwaan 6 waxyaabood oo aad sameysay ee ay kugu nacday.

1. Maadan wicin

Inaad farriimo ugu dirto si joogta ah waa xiriir wanaagsan balse waxay rabtaa inaad sidoo kale wacdo. Way ku raaxeysataa aqrinta farriimahaaga balse waxay sidoo kale aad ugu sii raaxeysataa maqalka codkaaga.


2. Maadan tusin rabitaan

Haddii aad si dhif u weydiiso su’aalo ku saabsan sida ay tahay maalintaas ama xaaladdeeda aad si dhif ah u weydiiso, taasi waa calaamad muujineysa rabitaan la’aan iyo inaadan rabin waxa ku dhacaya nlosheeda. Waxay rabtaa inaad weydiiso su’aalo. Waxay kaa rabtaa inaad ku lug yeelato waxa ku dhacaya nolosheeda.

3. Maadan u qirin dadaalkeeda


Waxaa suurtagal ah inay kuu nacday sabab la xiriirta inaad iska indha tirtay dadaalkeeda iyo waxyaabaha yar yare ee ay kuu sameeysay. Waxaad u qaadatay inay masuuliyadeeda tahay oo aadan ka welwelin inaad u qirto dadaalkeeda.

4. Waadka aamustay markaad muranteen/yasmo

Haddii aad si joogta ah kula dhaqanto aamusnaan oo aad micnaha aadka aamusto markaad murantaan, waxay noqon kartaa sababta ay kuu nacday. Markay kuula timaado cabashada waxyaabaha qaar isla markaana aad ka aamusto, waxaad dareensiisay in cabashadeeda iyo murankeeda uu yahay mid micno darro ah waana yasmo.

5. Soo daahitaan

Markaad dabeecad ka dhigato soo daacid xilliga haasaawaha ayaa noqon karta sabab kale ee ay kaaga tagto gabadha. Sababtoo ah waxay u qaadaneysaa in shukaansiga uusan dhab kaa ahayn. Inaad waqti hore u timaado oo waqti wanaagsan aad gabadha la haasaawdo waxay tusineysaa inaad daacad tahay oo aad qadariso waqtigeeda.

6. Waligaa maadan qiran dambigaada

Ragga qaarkood waa kuwo aanan waligood oran doonin “Waanka xumahay” waana qalad inaad dhaqankaas yeelato. Inaadan qiran dambigaada oo aadan raali gelin ayaa noqon karta sababta ay kugu nacday. Markaad dhaawacdo, raalli gelin dhab ah way umuujineysaa inaad ka welweshay dhaawaceeda. Raalli gelinta markaad qalad ka gasho kaama dhigeyso mid xushmad waayay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button