4 Qodob oo Sababa in Gabadha Jacaylkii ay kuu qabtay uu dhammaado

Waa dhaawac daran marka ay haweeney aad shukaansaneysid ay kuu sheegto inaysan markaas wixii ka dambeeyo aysan ku jecleyn, maxay ku burburisay jacaylkii idinka dhexeeyay adigoo isleh wax walba sidii loogu talagay ayay u socdaan.


Aayaha Online, ayaa kaa shaafineysa ee hoos ka aqriso qodobada sababa arrintaas.

Way isbedeshay

Waxay joojisay kalgacaylkii ay kuu heysay maxaa yeelay isbedel ayaa ku yimaaday, waxayna dareemeysaa inaadan ku habbooneyn, dad way isbedelaan taasina waa xaqiiqda nolosha.


Haddii aad haweeney la soctid ay isbedesho isla markaana ay dareento inaadan ku habbooneyn, waxaa kugu habboon inaad ka tagtid, waligaa naftaada haku qasbin qof aanan ku rabin.

Way kugu caajistay

Way fududahay in xiriirka marka uu waqti dheer qaato lagu caajiso, wax kasta waxa ay noqdaan wax la saadaalin karo waxayna la yaabtaa halka ay farxaddii aaday.


Si aad uga hortagtid in saaxiibtaa aysan kugu caajisin isla markaana aysan kaa tagin, isbedel sameey.

Waxay dareentay dayacaad

Haweenka waxay jecelyihiin qiimeyn iyo kalgacayl, sidaa darteed way kaa tageysaa haddii ay dareento inaad dayacday.

Waxaad iskaga ilaalin kartaa qaladkaan inaad xushmeysid oo qiimo u yeeshid isla markaana aad tustid inay kugu weyntahay, haka mashquulin inaad waqti wanaagsan la qaadatid.

Waxay la kulantay qof cusub

Mararka qaar haweenka waxay dareemaan in ninkooda aysan ka helin jacayl ku filan iyagoo xiriir la sameeya nin kale.

Mararka qaar arrintaas ayay sameeyaan iyagoo aanan ku heynin sabab wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button