Afar Qaab Oo Xaaskaaga Lagu Tuso Inaad Rabto

Haweeney kasta waxay u baahantahay nin kalgacayl leh oo dhinaceeda joogo. Haweenka wanaag xad dhaaf ah ayay dareemaan marka ay ogaan in raggooda ay jecelyihiin.

Hoos ka aqriso talooyin kaa caawinaya inaad gacalisadaada u cadeyso inaad si dhab ah ujeceshahay.

1. Ereyo

Ninka wuxuu gacalisadiisa jacayl kutusi karaa isagoo u sheegaya waxyaabaha wanaagsan iyo inuu si wanaagsan oo xushmad ku dheehantahay ula hadlo.

Eereyadaas waxaa ka mid ah; ammaan qurux badan, weydii fikradeeda ama xitaa adigoo u sheegaya intuu la egyahay jacaylka aad u qabto.

Dumarka intooda badan ayay uga helaan ereyada macaan.
Qaabkaan markaad kalgacayl ugu muujiso waxay ogaan doontaa inaad jeceshahay.

2. Ficil

Haweeney kasta waxay u baahan tahay qof taageera nolosheeda.

Waxaad kalgacayl ugu muuji kartaa gacalisadaada adigoo la qabanaya qaar kamid ah howsha guriga noocee doonto ha noqotee.
Haweenka aad ayay u qadariyaan marka ragga ay daqiiqad kamid ah waqtigooda ku beer dareeyaan caawintooda iyo inay la qabtaan howsha guriga.

3. Hadiyad

Dumarku way jecelyihiin waxyaabaha lama filaan ah ee loo keeno iyagoo aanan fileen.

Waxaad gacalisadaada uga yaabsan kartaa hadiyad iyadoo aanan kaa fileyn.

Tani waxay cadeyneysaa inta aad jeceshahay iyo sida aad uga fekerto una jeceshahay farxaddeeda.

4. Waqti

Dumarku way jecelyihiin inay raggooda la joogaan aad ayay u qadariyaan arrintaas.

Waxaad kalgacayl ugu muujin kartaa gacalisadaada inaad waqti wanaagsan la qaadato inaad meel wada aadaan ama inaad cunno wada cuntaan. Haweenka aad ayay u jecelyihiin marka ay raggooda siiyaan dareen.

Related Articles

Back to top button