Heesta Janaan u arkaa agtaada ee Fannaanka Xariir Axmed oo Qoraal ah (Ka Bogasho Wacan)

jeclaanshaha ereyadaada

ku jeel baxa ereyadaaad

ku jiibsiga xiisahaaga

waxaan ku jaaala naftayda

 

adkee wada joogisteena


joogtee wada socoshaheena

inaga is jeclaansheheena

ka dhigo jadwalkaaga gaarka ah

 

janaan u arkaa agtaada

jalbaan u qabaa codkaaga

hor joogiyo daawadkaaga

najaxeey ku bartaa jacaylka

huunooy ku bartaa jacaylka

 

jaahaaga horaa i deeqay

jidhkaagaana naxaa i daaray

jacaylka dhabta ah dareemay

xiskaad la jirtaa ku doortay

 

naftaada la jaaristeeda

uurka jaleecistiisa

waxaan ka helaa jacayle

halkaad joogtaba hamuun qoo

Xuquuqda qoraalka heestaan waxaa iskaleh Masuul

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button