Waad Noqon Kartaa Seeyga/Xaaska Ugu Wanaagsan Dunida… Qaado Talooyinkaan

0

Waxaan idiin soo gudbineynaa 8 talo oo kaa caawinaya inaad noqoto seeyga/xaaska ugu wanaagsan dunida.

1. Xakameey naftaada

Ma noqon kartid lamaane wanaagsan haddii aadan naftaada xakameyn Karin. Markaad naftaada xakameyn karto, waxaad xiriirkaaga ka ilaalin kartaa waxyaabaha burburin kara.

2.Noqo mid leh riyooyin kana shaqeeya siduu uga guul gaari lahaa

Way wanaagsantahay inaad yeelatid riyooyin waxana kasii wanaagsan markaad dadaal badan ku bixiso sidaad uga dhabeyn lahayd.

Lamaanaha wanaagsan waa midaanan waqtigeeda lumin oo xirfaddeeda ku dadaasha.

3. Tanaasul

Ma noqon kartid lamaane wanaagsan haddii aadan tanaasulin. Markaad tanaasusho waxaad xiriirkaaga u qaaday dhanka wanaagsan.

4. Mudnaan

Lamaanaha wanaagsan wuxuu xaqiijiyaa in lamaanihiisa uu yahay qofka ugu muhiimsan noloshiisa. Waa in lamaanahaaga aad siisaa mudnaan dhab ah haddii aad rabtid inaad noqotid xaaska ama seeyga ugu wanaagsan dunida.

5. Samir

Lamaanaha wanaagsan waa mid Samir badan. Waa inaad hubisaa inuusan samirka kaaga tagin waxyaabo yar yar. Usamir lamaanahaaga.

6. Naxariis

Lamaanaha wanaagsan waa kan muujiya naxariis. Naxariista waa sheey muhiim u ah xiriirka. Unoqo qof naxariis badan lamaanahaaga oo wax kasta kalgacayl ku xakameey.

7. Daryeel naftaada

Lamaanaha wanaagsan ma dayaco muuqaalkiisa iyo kan lamaanihiisa. Ma daryeeli kartid qof kale haddii aadan marka hore adigu isdaryeelin.

8. Bixi waxaad hesho kabadan

Hal dhibaato oo ay qabaan intabadan xiriirada ayaa ah in qof kasta uu rabo inuu isaga noqdo kan wax hela balse uu isaga mar dhif ah wax bixiyo.

Si aad u noqoto lamaane wanaagsan waa inaad ku dadaashaa inaad bixisid wax kabadan intaad heshid.