Saddex Siyaabood Oo Jacayl Loogu Muujiyo Xaaskaaga Uurka Leh

Ninka wanaagsan waa in xaaskiisa uu taageera xilliyada ay uurka leedahay isla markaana tusaa jacayl.
Hoos ka aqriso 3 qaabood oo xaaskaaga uurka leh aad kalgacayl ugu muujin karto
1. Wehel u noqo
Mar kasta haweenka uma fududa inay kaligood booqdaan xarumaha caafimaadka. Seey ahaan ama nin ahaan, waa inaad had iyo jeer xaaskaaga u raacdaa xarunta caadimaadka marka ay booqaneyso si aad u tusto jacaylka aad u qabto iyo inaad gacan siineyso. Waqtigaas ayaa sidoo kale ah kan ugu wanaagsan ee aad la socon karto dhaq dhaqaaqa canugaaga aanan dhalan.
2.Waxgarad noqo
Waa inaad ogaataa in jirkeeda uu isbedel ku imaanayo hadaba waxaa lagaa rabaa inaadan jawaab caadi ah aadan ka filan.
Mararka qaar waxay noqoneysaa qof kulul sababo la xiriira isbedelka ku imaanaya dareenkeeda.
Ha iska fogeyn oo gacan sii oo jacaylkii hore mid kabadan dareensii.
3. Uwad magaalada oo soo wada casheeya/soo hawo qaata
Wax haweeney uur leh uga farxad badan ma jiraan oo aanan ahayn habeen uu seeygeeda wado oo ay magaalada kasoo wada casheeyaan.
Isla sidaas habeenada qaar usoo wada casheeya wanaagaasna kula dhaqan xitaa marka aysan uur lahayn.
Hadda waxay kuu dhali rabtaa canug, waa fikrad wanaagsan in muddo marka la joogaba aad mar koolkooliso isla markaana habeenada qaar aad uwado hawo qaadasho iyo casho.