10 Calaamadood Oo Lagu Garto Ninka Sida Xad Dhaafka Ah Kuu Jecel (Iska Baro)

Waxaad dhawaanahan waxbadan arkeysay wiil ama nin, waxaadna u maleyneysaa inuu ku jecelyahay balse ma hubtid boqolkiiba boqol sida uu kuu yahay.
Dhab ahaantii, kuma tusaayo dhammaan tilmaamaha balse haddii uu tilmaamahan soo socda ku tuso ama aad ku aragtid dabadeed si waalli ah ayuu kuu jecelyahay.
- Xiriir badan
Ninka sida dhaafka ah kuu jecel mar walba ayuu kusoo wacaa habeen iyo maalin, sidaa darteed wicitaanka joogtada ah waa tilmaan lagu garto inuu si waali ah kuu jecelyahay.
- Wax kasta ayuu kuu sameeynaa
Haddii uu nin six ad dhaaf ah kuu jecelyahay ma ogola inaad meel kale ka aadid inaad la joogtid ma ahane, wax kasta ayuu kuu sameynayaa si uu bar barkaaga u joogo, waa qof had iyo jeer aad xisaabsan kartid waqtiyadaada xun iyo kuwa wanaagsan.
- Daneyn wax walbo aad sameysid
Nin si aad ah kuu jecel waxa uu daneynayaa wax walbo oo aad sameysid, wuxuuna ka hadlaa maalintaada isagoo ku weydiinaya su’aalo ku tusinaya inuu warkaaga maqlo.
- Wuxuu dareen siiyaa waxyaabaha kusoo kordha naftaada
Ninka sida dhabta ah kuu jecel wuxuu ku ogeeysiinayaa waxyaabaha ku saabsan naftaada xittaa haddii aad isbedel yar ku sameysay timahaaga ama dharkaaga wuxuu ka hadlayaa waxyaabah aad jeceshahay iyo kuwa aadan jecleyn.
- Naftaada ayuu ka hadlaa inbadan
Haddii uu nin kuu qabo jacayl waali ah ama dhab ah saaxiibadiis weyku caajisi doonaan maadaama uu si joogta ah adiga kaaga hadlayo, wuxuu ku faraxsanyahay inuu jacayl kula wadaago wuxuuna doonayaa in caalamku ogaado.
- Ma hilmaamo waxyaabaha kugu saabsan
Jacaylka dhabta ah ee uu kuu qabo darteed wuxuu xasuusnaan doonaa dhammaan arrimahaaga, wuxuu xasuusanyahay waxyaabah aad naftiisa uga sheegtid.
- Waa wax bixiye
Ninka jacaylka waalida ah kuu qaba wax walbo oo aadan filaneyn ayuu ku siinayaa, mana ahan lacag kaliya balse sidoo kale waqtigiisa.
- Baahidiisa farxaddaada ayuu kasoo hormariyaa
Ninka sida dhabta ah kuu jecel kama laba labeynayo inuu farxadaada kasoo hormariyo baahidiisa mar walba wuxuu rabaa inaad faraxsanaatid dhib malahan culeys kasta oo ay ku tahay.
- Fur furnaan
Nin haddii uu si dhab ah kuu jecelyahay aad ayuu kuugu fur furnaanayaa si uusan ugu fur furneyn dadka kale.
- Dhoollacadeyn
Jacaylka dhabta ah ee uu kuu qabo raaxo ayuu dareemayaa marka uu agtaada joogo si guudna waxbadan ayuu dhoollacadeynayaa marka uu kula joogo, aad ayuu u faraxsanyahay si yaab leh oo aysan cid kale uga farxi Karin.