7 Calaamadood Oo Lagu Garto Ninka Dhaqanka Wanaagsan Oo Gabar Kasta Ay U Baahantahay

0

Ninka waa inuu dhaqan wanaagsanaadaa; dhaqanka wanaagsan waxa uu ninka ka caawiyaa xiriir wanaagsan uu la yeesho haweenka, nin kasta ma ahan mid dhaqan wanaagsan.

Waa kuwaan tilmaamaha lagu garto ninka dhaqanka wnaaagsan.

  1. Wuxuu kuu isticmaalaa ereyga ah “Fadaln”

Nin walbo ma garanayo sida loo isticmaalo ereyga ah fadlan, ninka dhaqanka wanaagsan wuxuu yiraahdaa fadlan marka uu wax kaa codsanayo; kuma amro umana dhaqmo sidii inuu kaa sareeyo.

  1. Kuguma qeyliyo

Ninka dhaqanka wanaagsan kuguma qeylinaayo mana ku xushmad dareeynaayo.qaar kamid ah ragga codkooda ayay sare u qaadaan iyagoo ku qeyliya gabdhahooda si qaab daran halka ninka dhaqanka wanaagsan uusan sameynin taas.

  1. Haweenka kale wuxuu kula dhaqmaa xushmad

Ragga dhaqanka wanaagsan, haweenka waxa ay ula dhaqmaan si xushmad leh; way xushmeeyaan haweenka nolosha ay kala dhaxayso wayna xushmeeyaan haweenka kale.

  1. Dadka kuguma hor canaanto

Ninka dhaqanka wanaagsan kuguma hor canaananaayo dadka hortooda ama iyadoo ay dad hooyga kula joogaan, bannaanka kugulama qeylinaayo.

  1. Wuxuu yiraahdaa “Waa mahadsantahay”

Qof walba ma yiraahdo waa mahadsantahay”, balse ninka dhaqanka wanaagsan ayaa yiraahda waa mahadsantahay mar walba oo aad wax u sameysid.

  1. Gacan kuuma qaado wax walbo oo dhaca

Aqyaar walba wuu ogyahay inaysan sax ahayn in haweey aad gacan u qaadid, ninka dhaqanka wanaagsan waa aqyaar.

  1. Kuma aflagaadeeyo marka uu careysanyahay

Ninka dhaqanka wanaagsan xaaskiisa ma aflagaadeeyo xittaa marka uu muran ka dhexeeyo, kama suurtagalayso in xaakiisa u isticmaalo ereyo xun oo aflagaado iyo wax lamid ah.

Ma leedahay nin dhaqan wanaagsan ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here