33 Siyaabood oo Xaaskaaga lagu tuso inaad si dhab ah ujeceshahay

Ku socta ragga xaasaska leh, haddii aad rabtiin guur wanaagsan, waa inaad xaaskaaga dareensiisaa kalgacayl maalin walba.

Hoos ka aqriso 33 qaabood oo xaaskaaga aad kalgacayl ugu muujin kartid.


1. Hadiyad lama filaan ah u keen.

2. Gacanta qabso mararka qaar oo aad isla soctiin, haweenka wey qiimeeyaan waxa yarkaa iyo taabashada micnaha leh.

3. Mararka qaar uwad goobaha lagu damaashaado.

4. Usheeg inaad jeceshahay.

5. Mararka qaar howsha ku caawi oo la dhaq alaabta.

6. Cashada u sameey.

7. Had iyo jeer uga mahad celi dadaalkeeda iyo shaqada maalin walba ay guriga ka heyso, haddii ay noqon lahayd cunno Karin, ama inay caruurta iskuulka u diyaariso, ha hilmaamin inaad ku xushmeyso.

8. Uwad dukaameysi hasoo iibsato waxyaabaha ay jeceshahay, haweenka wey jecelyihiin inay wax soo iibsadaan hana iweydiin sababtaas fadlan.

9. Udir farriin qoraal adigoo shaqada joogo una sheeg inta aad jeceshahay.

10. Mararka aad fursad heysid u wad safarro gaaban si ay usoo hawo qaadato.

11. Dhunko ama shumi subax walbo.

12. La daawo musalsalada ay jeceshahay.

13. Kahor inta aadan go’aan qaadan, wax ka weydii sida ay u aragto, waa inay dareentaa inay muhiimtahay.

14. Noqo qofka ugu horeeya ee yiraahda waanka xumahay hadaad qalad gashid.

15. Mar walba dhinac fadhiiso.

16. Had iyo jeer u sheeg sida ay u qurxantahay.

17. Dhagaha ufur hadeey wax kuu sheegeyso oo maqal.

18. Ka caawi inay caruurta iskuulka u diyaariso.

19. Kuhor ammaan dadka kale hortooda.

20. Ku dhiiri gali inay sameeyso waxyaabaha ay ku farxeyso.

21. Telefishinka iska dami oo waqti sii mararka qaar.

22. Sii waxyaabaha ka maqan adigoon weydiin.

23. Ku ammaan marka ay timaha hagaagsato oo kale oo u sheeg inay qurxantahay.

24. Waqti hore imoow guriga marka aad fursad heysid.

25. Uga mahad celi ahaansheheeda xaas cajiib ah iyo caruurtaada hooyadood.

26. Dhunko oo la ciyaar adigoon isku dayin inaad u galmootid mararka qaar.

27. Ha u bahdilin haweenka kale.

28. Ku caawi dhaqidda dharka.

29. Si xun ha ula hadlin ama hadal kulul ha dhihin iyadoo aanan kula joogin.

30. Boorsada ugu qaad goobaha bulshada si ay kalsooni u dareento.

31. Ha xushmad dareyn waalidkeed, oo had iyo jeer xushmeey waa waalidkaa oo kale waana waalidka xaaskaaga.

32. Ha hilmaamin dabaal degga dhalashadeeda.

33. Kalgaceyl dareensii iyo inay kugu weyntahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button