10 Qaabood Oo Gabar Looga Dhoolla-cadeysiiyo

In haweeney laga dhigo mid dhoolla cadeyneysa xaqiiqdii ma ahan wax dhib badan sida rag badan ay sheegaan; waa tanaa sida aad u sameyneysid.

1. Qadari: Gabar kasta waxay rabtaa in la dareensiiyo qadarin; inaad qadarin umuujiso farxad ayay dareensiineysaa sidoo kale qadari waxyaabaha ay kuu sameyso.


2. Usheeg inay qurxantahay: Xittaa haddii ay is ogtahay inay qurxantahay, waxay rabtaa inay kaa maqasho. Usheegitaanka inay qurxantahay iyo inay ogaanto inaad aragto quruxdeeda waa mid ka farxineysa.

3. Ammaan/Faani: Faani muuqaalkeeda, faani cunno karinteeda, faani labiskeeda; tani qalbigeeda ayay dhalaalineysaa.

4. Uladhaqan sida gabar loola dhaqmo: Waxay rabtaa inaad noqoto mid kalgacayl iyo raaxo leh, waxay rabtaa inaad kula dhaqanto xushmad iyadoo sidoo kale rabta inaad mar kasta daryeesho.

5. Usheeg sida ay kuugu weyntahay: Usheeg qiimaha ay kuugu fadhiso iyo sida ay kuugu weyntahay, waxaa hubaal ah inay dhoolla cadeyneyso markaad taas sameyso.

6. Tusi inaad jeceshahay: Mararka qaar kuma filna inaad usheegto, waxay rabtaa inaad tusto, waana taas mida aad ugu xaqiijineyso. markaad kama dhoolla cadeysiineysid kaliya balse waxaa sidoo kale ka dhigeysaa mid aad kuu jecel.

7. Ha ogaato inaad qiimeyso: Haweeney kasta waxay rabtaa in la qiimeeyo oo uu qadariyo ninkeeda; Waxay ogaaneysaa inay kugu weyntahay.

8. Kalgacayl u muuji oo ku horqiimeey saaxiibadaa iyo qoyskaaga hortooda, markaad taas u sameysid waxay ogaaneysaa in dunida ay kaaga qiimo badantahay.

9. Sii hadiyado waana inaysan noqon dhalasheeda midaad ugu talagashay.

10. Uga yaabso waxyaabo aysan kaa filaneyn hadiyada iyo Wixii lamid ah.

Haddii aad rabtid in boqoradaada aadka farxisid oo ay dhoolla cadeyso, waa tan sida loo sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button