Ka Fogoow Tobankaan Cunto Haddii Aad Uur Leedahay

Haddii aad tahay hooyo uur leh fadlan ka fogoow cuntooyinkaan hoos ku xusan.

KALUUNKA BADAN

Kaluunka qayb kamid ah waxaa laga helaa maadada mercury oo ka sameysan walxo sun ah badanaana biyaha dhexdooda ayaa laga helaa waxayna u gudbi kartaa kaluunka hadii hooyada uurka lehna ay badsato kaluunka waxaa macquul ah in suntaasi ay ilmaha u gudubto waxyeelana ay u geysato qaab sameysanka ilmaha.
Labo ama sadex jeer yeysan bishii hooyadu ka badsanin cunitaankiisa.

HILIBKA CAYRIINKA AH

Hilibka cayriinka ah waxaa ku jirta maadooyinka caabuqa keena sida bakteeriyada iyo parasites kuwaas oo u gudbi kara ilmaha caloosha ku jira waxyeelo badana u geysan kara hooyada iyo ilmahaba.

UKUNTA CEYRIINKA AH

Ukunta ceyriinka ah waxaa ku jirta sunta Salmonella.

Calaamadaha caabuqyada Salmonella waxaa badanaa la kulma hooyada kaliya waxaana ka mid ah qandho, lalabo, matag, calool xanuun iyo shuban

Si kastaba ha noqotee, marar dhif ah, infekshanku wuxuu keeni karaa xanuun ilmo-galeenka ah , taasoo keeni karta in aad dhiciso oo ilmuhu banaanka yimaado isagoon bilo dhamaysan.

KAFEYGA BADAN

hooyada uurka leh waa in ay iska yareysa kafeyga ama ayba iska joojisaa sababtoo ah si dhokhsi ah ayaa loo nuuga marka aad cabto dabadeed waxa uu ka gudbi karaa mandheerta iyadoo u tageysa ilmaha waxyeelana u geysanayso ayna ugu horeyso in aad dhasho ilmo aad miisaankiisu u hooseeyo.

QUDAARTA AAN LA DHAQIN

Qudaarta iyo miraha aan si fiican loo dhaqin waxaa ku jiri kara nooc bakteeriyada kamid ah oo loo yaqaana Toxiplasma taas oo keenta in hooyadu ay si isdaba joog ah u dhiciso ama ilmo dhintey ay dhasho.

CAANAHA LO’DA EE LA KAR-KARIN

Caanaha lo’da ee aan la iska karin ayaa ah khatar kale oo ilmaha iyo hooyada ku wajahan oo u keeni kara in ay wajahaan caabuqyo daran oo hooyada ilmaha isku si u waxyeelaynaya.
Si fiican iskaga kari inta aadan cabin caanaha lo’da.

QAMRIDA

Hooyada uurka leh looma ogala in ay cabto qamrida sababtoo ah aad ayey u saameysa nolasha ilmaha iyada oo u keeni karta dhicis ama badaleysa sameysanka ilmaha.
Fadlan ka dheerow.

QAADKA,SIGAARKA,SHIISHADA IYO TUBAAKADA

Qaadka sigaarka,tubaakadaba iyo shiishada ama taabuuga waxaa ku jira maadooyin khatar ah oo u daran ilmaha caloosha ku jira kuwaas oo ku sababi karta hadii hooyadu cabto walxahaas in ay dhasho ilmo isku dhagan ama qaab bini aadam aan lahayn fadlan ka dheeroow maandooriyiyaasha dhamaan hadaad caafimaadka ilmahaaga daneeneyso.

W/Q: Dr Amen

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button