5 Nooc Oo Dumarka Kamid Ah Oo Ay Tahay Inaadan Iska Sii Deyn Haddii Aad Mustaqbal Rabtid

Waxaa jira waxyaabo badan oo dumarka lagu xusho haddii ay noqoto inaad rabtid mid aad mustaqbalka la wadaagto inta cimrigaaga ka dhiman.

Gabar noocee ah ayay tahay inaad ku dhagto?

Gabadha toosan ee daacadda ah

Mid kamid ah noocyada haweenka oo ay tahay inaadan u ogolaan inay kaa tagto ayaa ah tan daacadda ah. Kuwa aanan kugu ciyaarin.

dhab ahaantii ma jiro wada sheekeysi qarsoon oo ay la yeelaneyso nin hore; ma jiro nin ay saaxiib la tahay, waxay kuu cadeysaa inay adiga kali kuu tahay.


Haweeney noocaas waa noloshaada ha luminin.

Haweeneyda aad ku kalsoonaan karto

Hadii aad mar ku kalsoonaan karto, waxaa hubaal ah inay tahay tan kugu habboon. Gabadha wanaagsan waa inay ku dhageysataa isla markaana kuu ogolaataa inaad sheegto waxa maskaxdaada kiro iyadoo aanan ku xukumin aanan ku jeesjeesin.

Sidoo kale haddii aad aaminto oo ay waligeed ku qiyaanin ilaasho.
Haweeneyda shuruud la’aan ku jecel

Jacayl shuruud la’aan ah waa dhif waana dahab maalmahan. Hadaba, marka ay gabar ku tusto jacayl noocaas ah fadlan ku dheg.

Haweeney kasta oo shuruud la’aan ku jecel waxay mudantahay daacadnimo iyo dhaqan wanaagsan.

Haweeney qalbi jilicsan

Waa inaadan iska deyn haweeney qalbi jilcan oo naxariis badan — waa jira gabdho badan oo aanan qalbi jilcaneyn ama aanan naxariis lahayn.

Marka ay noqoto go’aan qaadashada qofka aad nolosha la qaadaneyso intaad nooshahay waa inay noqotaa qof qalbi jilcan oo naxariis badan.

Haweeney dadaal badan oo aanan kibir badneyn

Saaxiibtaa ma tahay mid dadaal badan oo aanan kibir badneyn? haddii aad hubiso inay tahay qof dadaal badan oo xushmad badan, ha iska deyn, waxaa jira haween badan oo aanan intaas lahayn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button