XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Tilmaamood oo lagu garto ninka aanan ku jecleyn gabaryahay (Calaamadahan ayuu Leeyahay)

Aayaha Online, waxa ay idiin soo gudbineysaa sifooyinka lagu garto ninka marka uu xaaskiisa ama saaxiibtiis naco.

  1. Waqti kulama qaadanaayo

Ragga waxay ka simanyihiin inay joojiyaan waqtigii ay siin jireen haweeneyda marka ay nacaan, sidaa darteed haddii saaxiibkaa uu bilaabo ismashquulin isla markaana waqtiga uu saaxiibadiis ku dhameeyo iska ogoow meeshaas jacayl ma yaalo.

  1. Caro fudud

Nin haddii uu jaro jacaylka uu uqabay haweeney, waxa uu durba bilaabaa inuu si fudud uga caroodo wax walbo oo ay sameyso.

  1. Wuxuu bilaabaa inuu kula bar bar dhigo naag hore

Marka uu ninka naco haweeneyda, wuxuu la meel dhigayaa haweeney kasta uu yaqaan, inaad xaaskaaga aad aad qof kale la bar bar dhigtid waa qalad, maxaa yeelay xaaskaaga ama lamaantaada waxay dareemeysa niyad jab, marka ninka hadii uu arrimahan bilaabo jacayl waa dhammaaday

  1. Sheeko jarid

Ninka ku jecel si joogta ah mar kasta uu firaaqo helo ayuu kuula sheekeysanayaa, isagoo xaaskiisa ku amaanaya quruxdeeda iyo sida ay u tahay qof karti leh, balse ninka intaas laga waayo ee joojiya xaalkiisa ma fiicno

  1. Wuxuu joojiyaa inuu ku yiraahdo “I LOVE YOU”

Ninka sida dhabta ah kuu jecel had iyo jeer kama daalo inuu kalgacayl kuu muujiyo oo uu ku dhaho waanku jeclahay balse marka laga waayo oo uu joojiyo waanku jeclahay, jacaylka ayaa daaqadda kasii baxaya.

6. Qof shaqsi ah ayuu u dhaqmaa/ naftiisa bis ayuu ka fekeraa

Ninka marka uu joojiyo jacaylka isla markaana naagta naco waxa uu u dhaqmaa sida qof kaliya oo aysan qof kale ku xariirin, waxa uu si deg deg ah u joojiyaa daryeelka naftaada isagoo diiradda saara naftiisa kaliya.

Related Articles

Back to top button