UGAAR AH RAGGA: Afartaan Sababood Ayaa Kuu Diiday Inaad Hesho Gabar Aad Guursato

Maxay yihiin sababaha ay rag badan wali doobab u yihiin? Calafku waa halkiisa balse waxaa jira sababo kale oo ragga qaar ay wali doobab u yihiin.

Aan hoos ka aqrino cilladahaas.


1. Iskuma kalsoonid

Waa maxa kalsooni? waa inaad si fudud u aaminsanaataa naftaada iyo kartidaada. Kalsoonida waa mid kamid ah wax yaabaha aasaasiga ah ee ay u baahantahay naftaada si aad wax walba ugu guuleysatid. Kalsooni la’aan meelna ma gaari doontid. Nin isku kalsoon gabar kasta ayuu utagi karaa una sheegi karaa dareenkiisa balse nin aanan isku kalsooneyn oo xishoonaya wuuka labalabeeyaa kahor inta uusan aadin, haddii aadan kalsooni isku qabin kuma guuleysan doontid waxaa kuu wanaagsan inaad si wanaagsan isku soo diyaariso, ma jirto gabar rabta nin aanan isku kalsooneyn.

2. Ka cabsasho diidmo

Nin isagoo isku kalsoon hadana wuu ka baqi karaa in gabadha ay diido. Ma ahan mdi xishoonaya balse wuxuu dareemayaa in sababaha qaar gabdha uu doonaya aysan ku rabin. Cabsida waa biloowga guul darada, naftaada ka saar cabsida waxaadna arki doontaa inaysan jirin cid kaaga dhow guusha.

3. Xirfadaha hadalka oo liita

Waxaan arkay rag si weyn isku kalsoon isla markaana aanan ka baqeyn inay utagaan gabadha ay jecelyihiin balse dhibaatada ay qabaan ayaa ah hadalka, haddii aad aaminsantahay inaad dhibaatadana qabtid waxaad u baahantahay inaad ka shaqeyso intaadan gabar usoo dhowaan.

4. Dib udhigid

Waxaad maanta sameyn karto inaad berri la sugto ayaa dhibaato kale ah. Waan ognahay rag badan ayaa sidaas sameeya illaa maalinta dambe uu wiil kale oo dafaaye ah oo ka yimaado isla markaana jacaylkiisii uu halkaas ku qaato.

Afrtaan waxyaabood ayaa ah afar sabab oo ragga diyaarka u ah haasaawaha ay wali doobab u yihiin, ogoow cilladaada oo iska hagaaji.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button