Laba nooc oo Ragga Kamid ah oo la iska ilaaliyo markaad ku jirtid Shukaansi Internet-ka ah

Shukaansiga ama haasaawaha baraha bulshada ayaa muddooyinkaan dambe waxa uu noqday mid aad u batay.


Lamaanayaal badan ayaa qadka iska bartay oo isshukaansaday kadibna si wanaagsan u saldhigtay.

Ragga iyo haweenkaba aad ayay iminka u isticmaalaan qadka iyagoo raadinaya jacayl.

Si,kastaba waa inaad taxadartaa markaad lamaan ka raadineysid qadka.


Waa kuwaan 2 nooc oo ragga kamid ah oo la iska ilaaliyo markaad qadka wax ka shukaansaneysid.

1. Kan aanan rabin xiriirka dhabta ah

Ha jeclaan nin aanan rabin xiriir dhab ah gabaryahay.


Nin aanan rabin xiriir dhab ah adiga uun ayuu ku dhaawici doonaa ugu dambeyn isagoona kaa tegi doona.

Waxaad u baahantahay qof gabr kuu noqda xilligaas garab u baahato mana u baahnid mid hadhoow kaa tegaya.

Ha agolaan nin iska kaftamaa ama haweeney haddii aad rabtid farxad muddo dheer aad heysatid.

2. Kan qiyaanoolaha ah ee Facebook-yada beenta ah sameysto

Waxaa jira qiyaanoolayaal farabadan oo qaabka Online-ka ah ku qaraabta.

Iska ilaali nin kasta oo lacag ku weydiiya si jacayl kuu siiyo ama jacayl kuula wadaago.

Intabadan arggaas ayaa ku qaraabta akoono Facebook oo been abuur ah.T

Waxaa lagaa doonayaa inaad ka feejignaato kuwa noocaas ah.

Qiyaanoleyaashaas ama dadkaas ku shaqeysta akoonada been abuurka ah ayaa iska dhiga dad aad u wanaagsan, balse ugu dambeyn waxay ku galinayaan jahwareer.

Wuxuu aad kaaga codsan doonaa lacag si taas bedelkeeda uu jacayl abaal kaaga dhigo.

Waligaa lacag ka bixin si aad jacayl u heshid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button