XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood oo cafis loo weydiisto Xaaskaaga

Qalad maka gashay xaaskaaga oo maka fakareysaa qaabka aad cafis u weydiisan lahayd?

Hal sheey oo loo baahanyahay inaad baratid ayaa ah “Waanka xumahay”.

Halkaan ka aqriso 3 qaabood oo cafis loo weydiisto xaaskaaga.

1. Waqti la qaado marka hore

Iska hubi inaad waqti la qaadato gabadha kahor intaadan cafis weydiisan. Aad ayay u wnaaagsantahay in markaad waqti la qaadato kadib aad cafis weydiisato. Umuuji sida aad uga xuntahay oo xasuusi inaad jeceshahay.

2. Wax u hadiyeey kadib raaligelinta

Markaad si dhab ah u weydiisato cafis, wax uun u hadiyeey lamaantaada. Ficilka ayaa ka xoogan ereyga.

Dareensii xaaskaaga (sxbtaa) inad dhab ahaan qiimo weyn ey ugu fadhiso noloshaada. Shaki kuma jiro inay dhoolla cadeyn doonto haddii aad hadiyad siiso markaad qaladka ka raali geliso kadib.

3. Daacad u noqo

Waxba haka qarin gacalisadaada. Way wanaagsantahay inaad daacad noqotid markaad cafis weydiisaneysid.

Been ha u sheegin si ay kuu cafiso. Wax walba sida ay yihiin ugu sheeg, iyadana way ogaan doontaa haddii ay tahay inay ku cafiso iyo hadii kale.

Ogoow beenta wax bay ku ciyaareysaa ee waxba ma hagaajineyso.

Related Articles

Back to top button