Haka aqbalin qorshihiisa guurka illaa aad si daacad ah uga jawaabto saddexdaan su'aalood - Aayaha

Haka aqbalin qorshihiisa guurka illaa aad si daacad ah uga jawaabto saddexdaan su’aalood

Guurku waa tallaabo aad u weyn inaad qaado. Waa inaad diyaar u noqotaa kahor intaadan tallaabadaas qaadin.

Dad badan ayaa guursada kuwaas oo guurka ka shalaaya wax yar kadib.

Waa kuwaan su’aalo cul culus oo ay tahay inaad naftaada weydiiso kahor intaadan tallaabooyin u qaadin dhanka guurka.

1. Miyuu xiriirka yahay mid isku dheeli tiran?


Xiriir hal dhinac ah waxa uu wajahaa culeys walba. Adiga kaligaa kuma noqon kartid guurka oo micnaha ma noqon kartid qof kaligiis guurka raba. Ogoow haddii lamaankaaga uu isna rabo si lamid ah sida aad u rabtid. Ha u guursan caruur darteed ama acadaadis dartiis.

Qaado waqti aad ku ogaatid muhiimadda guurka kahor intaadan go’aansan inaad guursatid.

2. Maku faraxsanahay inaan jacayl la wadaago isaga/iyada?

Farxadda waa mid kamid ah waxyaabaha guurka ka dhiga mid shaqeeya.

Qofna ha guursan haddii aadan farxad ku qabin. Xasuuso taasi waa go’aan bedeli doona noloshaada inta aad nooshahay.

Awood uma lihid inaad guursato ama xiriir aad la wadaagto qof aanan farxad u keeni karin noloshaada.

3. Diyaar ma u ahay xiriir dhab ah oo daacadnimo ku dhisan?

Waa inaad diyaar u noqotaa guur dhab ah oo ay kaa go’naataa sababtoo ah guurka wuxuu u baahanyahay daacadnimo iyo go’aan dhab ah.

Ucadeey lamaankaaga/lamaantaada inaad nafta u huri karto isaga ama iyada. Marnaba ha guursan haddii aadan diyaar u ahayn guur dhab ah oo aysan noloshaas kaa go’neyn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button