3 Qaab Oo Marka Xaaskaaga Ay Uur Leedahay Loogu Noqdo Seey Wanaagsan

Dumarku waxay la kulmaan waqtiyo adag marka ay uur leeyihiin. Haweeneyda uurka leh waxay ubaahan tahay in ninkeeda uu il gaar ah ku haayo waqtigaas.

Ragga qaarkood badanaaba way dayacaan xaasaskooda uurka leh waana jaahilnimo iyo jacayl la’aan.

Waa caddaalad darro inaad ka tagto lammaantaada oo dhibtoonaysa adigoo caawin kara waqtigaas adag ee ay u dhaxayso nolosha iyo geerida.

Waa kuwaan waxyaabaha lagaa rabo si gacalisadaada uurka leh aad ugu noqoto Seeyga ugu wanaagsan dunida.


1. Noqo mid u wanaagsan 24-ka saac

Hormoonada ayaa haweeneyda ka dhigi kara mid caro badan. Fahan in xaaskaaga ay ku jirto marxalad adag oo ay isbed bedelyso.

Noqo mid taageera waqti kasta oo hubi inaad ku xakameyso kalgacayl iyo daryeel.


2. Noqo mid dareen badan

Waxaa jira waxyaabo yar yar oo saameyn kara haweeney uur leh. Noqo mid wax garta oo dareen leh.

Ha sugin inay kuu sharaxdo kahor intaadan tallaabo qaadin ama waxaas u sameyn. Latasho dadka waayo aragnimada u leh qaabka loo xakameeyo haweeneyda xilliyada ay uurka leedahay.

3. La joog xilliga Foosha

Foosha waa xilliga ugu adag ee ay haweeneyda wajahdo marka ay uurka leedahay. Dumarka waxay u baahanyihiin raggooda inay garab joogaan marka ay foolanayaan uu xanuunka haayo. Isku diyaari inaad cisbitaalka u wado halkaas oo si nabad ah ay ugu dhali karto.

Inkastoo qaar qaar kamid ah haweenka ay guryaha ku dhalaan, waxaa wanaagsan inaad u geysid dhaqaatiirta cilmiga uleh, sababtoo ah wax kasta ayaa dhici kara.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button