Ma dareentaa daal joogta ah? Waa tanaa sababta - Aayaha

Ma dareentaa daal joogta ah? Waa tanaa sababta

Ma dareentaa daal joogto ah? Tani waa dhibaato heysa dad farabadan.

Waxaa jira sababo badan oo keenaya inaad mar walba daalnaato, marka laga soo tago inaad mashquul badan gasho maalintii ama aad shaqeyso waxaa jira waxyaabo kale oo keenaya inaad daal dareento.

Waa kuwaan waxyaabaha keenaya inuu qofka dareemo daal joogta ah.

1. Hurdo yari

Inaadan helin hurdo kugu filan waa mid kamid ah sababaha u waaweyn ee aad u daalantahay. Kadib markaad habeenkii si si wanaagsan uhurudo una nasato; waxaa hubaal ah inaad si joogta ah subax waliba u toosi doonto adigoo firfircoon.

Inaad dhowr saacadood si wnaaagsan u nasato waxay u wanaagsantahay maskaxdaada, taasoo keeneysa inaad maalintii dareento firfircooni.

 2. Walwal saa’id ah

Walwalka waa wax noo caadi ah balse ma ogtahay in walwalka badan uu dhaawacayo caafimaadkaaga?

Walwalka xad dhaafka wuxuu si qoto dheer leh u saameeyaa heerarka tamartaada iyo qanacsanaanta shaqsiyadeed.

Waa inaad heshaa qabab lagu xakameeyo walwalka sababtoo ah walwalka badan ayaa waxaa lala xariiriyay daal.

3. Nafaqo yari

nafaqo yarida ku heysaa ayaa kuu keeni karta tabar darri. Nafaqada waxay kaa caawineysaa inuu awood yeesho jirkaaga.

Waa inaad qaadataa cunto leh nafaqo kugu filan si aad u xoojiso heerarka tamartaada si aad uga hortagto daalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button

Adblock Detected

Fadlan iska xir barnaamijka Ad Blocker si aad u akhrisato warbixinadeena. Mahadsanid.