XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Calaamadood Oo Digniin Ah Oo Ku Tusaya Inaad Ku Jirtid Xiriir Halis ah [Jooji Xiriirkaas Itaadan Ka Shalaaynin]

Dad badan ayaa noqda kuwo ugu dambeyn ka shalaaya sababta ay xiriir ula yeesheen qofka aanan ku habooneyn.

Waxaa laguugula talinayaa inaad ka fiirsato qofkaad dhab u jeclaaneyso intaadan waqti dambe ka shalaaynin.

Hoos ka aqriso 3 calaamadood oo ku Tusayan inaad ku jirtid xiriir halis ah.

1. Lamaanahaagu waa qiyaanoole halis ah

Qiyaanada waxay wadataa xanuun daran. Lamaane qiyaanoole ah maskax ahaan kaliya kuuma dhaawaco balse wuxuu sidoo kale kaa dhigaa qof unugul xanuuno kala duwan.

Dad badan ayay xanuuno ku dhacaan taasoo ay sabab u tahay qiyaanada ay ku sameeyaan lamaanayaashooda ama dadka xiriirka ay laleeyihiin.

Hala joogin qof qiyaanoole ah haddii aad naftaada jeceshahay oo aad caafimaadkaaga ka fekereyso.

2. Lamaanahaagu waa mid aad u ilaalo badan

Jacaylku waa xoriyad. Addoon uma tihid lamaanahaaga ama qofkaad xiriirka leedihiin. Lamaane ilaalo iyo shaki badan oo mar walba ku oranaya xagee aaday, ama intee ka timaaday waa mid dhibaato badan.

Marnaba waqti ha iskaga lumin lamaane noocaas ah xittaa haddii aad dhab u jeceshahay.

3. Isaga/iyada waa dabeecad xuntahay

Dad badan oo heysta lamaaneyaal dabeecad xun ayaa ah kuwo ku nool cabsi. Mar kasta ayuu kaa hor imaan karaa lamaane dabeecad xun hadduu kugu arko wax yar oo qaldan sababtoo ah dulqaad ma jiro.

La-dhaqanka qof noocaas ah waa jahwareer iyo dhibaato daran. Isaga ama iyada waxay kaa dhigi doontaa qof addoon u ah dareenkiisa oo cabsi iyo walwal kunool.

Waxaa jiri doona culeysyo badan oo kaasoo wajihi doona inaad arrimo lasii wado qof noocaas ah maadaama uusan jirin dulqaad oo ah sheey aad muhiim u ah markeey noqoto la dhaqanka bini aadamka.

Xiriir noocaas ah waa kan ugu xun waana kan la yiraahdo kuma jiro.

Related Articles

Back to top button