Shantaan Calaamadood Hadaad Gabadha Ku Aragto Waqtiga Ayay Kaa Lumineysaa Ee Mid Kale Ka Raadso

Waxaa jira qaar kamid ah haweenka oo aanan lahayn ujeedooyin dhab ah markii ay qof kale xiriir la sameynayaan.

Sabab kasta oo ay qofkaas u helaan way ogyihiin inay siineyn wax yar oo kamid ah naftooda balse waxay rabaan inay lugooyaan.


Waa kuwaan 5 tilmaam oo lagu garto gabdha waqtigaaga lumineysa

1. Mar walba waxay kaa dhigeysaa qof dambiile ah

Mar kasta oo ay aragto inaad ka fogaaneysi waxay sameyneysa qaab ay dib kuugu soo celiso isla markaana aadku uga raali galiso isku daygaagii ahaa inaad heshid qof  ka jawaaba xiriirkaaga horusocodka ah.

2.Raali galin

Waxay leeyihiin ama sameynayaan raali galin nooc kasta ah, mar kasta oo ad isku daydid inaad la kulantid way ku raali galineysaa.

3. Fariimaha kaagama soo jawaabto kumana soo wacdo

Waxaa macquul ah inaadan farriin ama wicitaan aadan ka helin todobaad dhan, dhibaatada kasii darana waxay tahay markii aad la kulantid waxay u dhaqmeysaa qof aanan dambi galin ama aanan qalad sameyn.

4.Waxay ku rabtaa marka ay wax kaa faa’ideyso

Hadii aad si deg deg ah iyadoo kuusoo wacaysa aad aragtid kuna weydiisaneysa ixsaan iyo inaad wax u qabatid isla markaana aysan muddo dheer kusoo wicin wey iska cadahay waqtiga ayay kaa lumineysaa weyna kugu daneysaneysaa.

5.Waxay u dhaqantaa sidii qof aanan ku aqoon

Marka aad adinka kaliya tihiin labadiinaba la idinma kala saari karo balse marka aadan isla jooginina waxay u dhaqmeysaa sidii qof aanan ku aqoon oo kale, waqtiga ayay kaa lumineysaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button