Marnaba Saddexdaan Waxyaabood Haku Oran Sodohdaa [Iska Ilaali]

Xiriirka kaala dhexeeya Sodohdaa waa mid xasaasi ah, Waxaad u baahantahay inaad baratid sida xiriir wanaagsan loola yeesho Sodohdaa.

Way ku jeclaan kartaa ama wey ku necbaan kartaa iyadoo aysan jirin sabab wanaagsan.

Haddii aad rabtid inaad farxad kula noolaato wiilkeeda, la heshii oo sii xushmadda ay mudantahay.

Marnaba haku oran sadexdaan waxyaabood Sodohdaa.

1. Waa caruurteyda adiga ma dhalin

Soddohyaasha waxay wiilashooda ka rabaan inay guursadaan haween xushmad badan. Haddii aad rabtid inaysan waxba ka oran caruurtaada, si wanaagsan ula dhaqan. Dhageyso taladeeda waqti kasta haddii aad rabtid guur farxad leh.

2. Weydii wiilkaaga


Sodohdaa waa hooyadaa ku dhashay oo kale. Xor ayay u tahay inay ku weydiisato wax kasta oo ay kaa rabto.

Ma rabto inay wiilkeeda usoo marto iyadoo adiga kaa heli karta waxa ay rabto.

Sii xushmadda ay mudantahay haddii aad rabtid guur farxad leh sababtoo Sodohdaa waa hooyadaa ku dhashay oo kale.

3. Caawin kaagama baahni

Adigoo aanan eegin xaaladda dhaqaale, waxaad mar kasta caawin uga baahan doontaa dadka kuu dhow ilaahay (SWT) ka sokoow. Ha filan inaad nabad kula noolaato Sodohdaa markaad dhahdo caawin kaagama baahni.

Qadarin u muuji mar kasta oo aad la joogtid Sodohdaa, ogoowse inay adagtahay in la helo Sodoh wanaagsan oo ku caawisa haddii aad hesho sii qadarinta ay mudantahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button