10-kaan Qodob Sameey Hadii aad ku nooshahay Magaalada Muqdisho

1- Marka aad guriga kasoo baxeyso lasoo balan faamilkaaga xitaa hadii aadan la nooleen. Wac oo u sheeg halka aad aadeyso

2- Teleefonkaaga codka u fur ama gaabeey waxoogaa yar. Si eheladaada kuu soo wacaan marka qarax dhaco


3- Ha aadin Hotelada ama wadooyinka halista badan. Adigoo og in meelaha qaar ay halis ka imaan karto

4- Maalmaha Sabtiga, Axada, Qamiista iyo Jimcaha ha u bixin magalada gaar ahaan goobaha halista siiba sabtiga

5- Waqtiyada inta badan qaraxyada dhacaan waa 10ka subaxnimo, 3da galabnimo ilaa 6da maqribnimo. Waqtiyadaas ka feejignow meelaha qaar

6- Magalada waa magaalo weyn. Shaaxa u doono maqaayadaha yaryarka, ileen ayaga ugu amni iyo qarash fiican

7- Saxibkaa ama saxibtaa haduu kugu balamiyo meel aad ogtahay in qaraxyo badan ay ka dhaceen, u sheeg in xaafada isugu timaadaan.

Una sameey shaax iyo daango ama gaxwo. Jawi wanaagsan ayaad gurigiina ku qaadaneeysan waan hubaa

8- Kasoo bilow Sayidka ilaa isgoyska Banaadir inta u dhaxeeysa aad isaga ilaali. Ugu yaraan Hamarin oo hajoogin waqtiyada kor aan ku xusay

9- Maalmaha Khamiista iyo jimcaha oo inta badan fasax ayaa la yahay, fadlan ha aadin maqaayadaha waaweyn. Hana kadhawaanin baraha kontorool ee dowladda

10- Fariimaheeyga qaado, Waa iga talo walaalnimo. Dadaal inta aad awoodo

Mention dheh qof Muqdisho dagan ama saxibkaa/saxibtaa si 10kaan qodob u aqristo

Waxaa qoray: Idris Abdulkadir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button