Shantaan Calaamadood Haddii Aad Gabadha Ku Aragto Nin Kale Ayay Kaa Raaci Rabtaa

Kahor inta uusan soo gaba gaboobin ama uusan burburin xiriir kasta, calaamadaha digniinta ayaa had iyo jeer muuqda balse ma aragno caalamadahaas noo digaya, waxay gabadha saaxiibtaa ah lasoo baxdaa claamado diginin ah.

Haddii ay lamaantaada moodo in xiriirka uu bur buri rabo  ficilladeeda ayaa ah kuwo saameyn leh waxaana wanaagsan inaad garaneysid marka kulama socodsiineyso marka ay daaqadda kaa saari rabto ama ay ku tuuri rabto.


Shabakadda Arrimaha Bulshada ee Aayaha Online, ayaa waxa ay diin soo gudbineysaa 5 calaamadood oo lagu garto inay nin kale kaa aadi rabto.

Hoos ka aqriso.

1. Waxay waqti siineysaa nin cusub/ Sxb cusub

Badanaa waqtiyada haweenka waxay jecelyihiin inay meeleeyaan xiriirkooda cusub kahor inta aysan kaa tagin maxaa yeelay waqtiyada ay fursadda heyso badanaa waxay waqtigaas siineysaa saaxiibka cusub marka taas micnaheeda ayaa ah inaad daaqadda kasii bexeysid oo ay kaa xiisa dhigtay waxayna xiriir cusub la bilaawday nin cusub ama saaxiib cusub, waxaad sidoo kale ku ogaan kartaa haddii aad wacdid ama aad farriin u dirtid  kama jawaabeyso tanina waa tilmaam cad.

2. Kam jawaabto ama ma qabato taleefanada

Haddii ay dhibsatay oo ay ka daashay xiriirka isla markaana ay dooneyso inay kaa tagto weyku adagtahay inay ka jawaabto wicitaanadaada ama farriin kaaga soo jawaabto ulama jeedo inay had iyo jeer  farrimaha waqtigii loo baahnaa uga soo jawaabeyso ama taleefanka waqti ku haboon ay qabaneyso ee inta badan aad ayay uga mashquulsantahay inay ka jawaabto marka haddii ay dabeecad ka noqoto oo had iyo jeer aad arrintaas ku aragtid inay kaa tagto ayay rabtaa maxaa yeelay si farxad leh ayay uga jawaabi lahayd wicitaanadaada iyo fariimahaaga haddii ay ku rabto.

3. Niyad kuuma heyso iyadoo kula joogta/ waa maqane jooge:

Haddii ay rabto inay kaa tagto ama ku nacday iyadoo ku agfadhiso ayay hadane niyadeeda maqantahay, maskxadeeda ayaa meel kale jirto marka ay xitta kula joogto sidaa darteeed marka ay haweeney rabto ninkeeda waxa uu noqda mid ay diiradeeda saarantahay, wax walbo uu sameeyo wey daneeneysaa balse haddii ay nacday waxaan jirin ayaa tahay wey kugu caajistay.

4.Qoyska & saxiibada:

Xaqiiqda ayaa waxa ay tahay markii ay haweeney rabto inay mustaqbalkeeda nin kale la wadaagto way ogtahay in kasbashada asxaabtiisa iyo qoyskiisa ay muhiim tahay, haddii ay kuu diido inaad aragto waalidiinteeda iyo dadka kale ee nolosheeda qiimaha kuleh isla markaana ay diido la kulanka waalidiintaada  iyo dadka kale ee muhiimka kuu ah wax walba waa cadyihiin weyku nacday.

5. Wax kasta dhibaato ayay noqdaan:

Markii ay haweeney ku nacdo, wey dhibsaneysaa wax kasta ood sameysid waxaadna arkeysaa in dagaalka uu wax walba kala sahlanaado markii ay xaaladda halkaas mareyso ma jiro xiriir dhab ah, waana inaan fahamnaa isfahamwaaga waa wax caadi ka ah xiriir kasta balse waxaa jira isfaham waa xiriirka ka dhex dhaca oo muujiya dhammaadka xiriirkaas.

Marka uu uu isfahamwaaga noqdo isdaba jog isla markaana sababta isfahamwaaga iyo ficilkeeda aysan isku qalmin, waxay radineysaa wadadii ay kaaga tagi lahayd oo ay xiriirkaas kusoo gaban gabey lahayd qaab ay isku kaa nacsiiyo ood u dhibsatid ayay raadineysaa marka haddii aad ficilladaas ku sameysid si tartiib ah ku macsalaameey burburka xiriirkaasna dusha ka saar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button