XIRIIRKA IYO GUURKA

Labadaan Sabab Dartood Ha U Guursan Haddii Aad Rabto Guur Farxad Leh

Guurka maahan wax lagu deg dego. Waa inaad laba mar ka fiirsataa kahor intaadan saldhigan oo aad si wanaagsan uga fekertaa.

Dadka qaarkood ayaa ugu dambeyn ka shalaaya guurkooda. Waxaad u baahantahay sababo wanaagsan oo aad u guursato.

Ha ugu guursan labadaan ee dabaalnimada ah dartood

1. Saaxiibadaa dhan waa guursadeen

Haddii ay saaxiibadaa guursadaan dhib malahan. Ha uguursan saaxiibadaa oo dhan waa guursadeen ee adna guurso. Waxaa loo baahanyahay inaad hesho sabab wanaagsan oo aad u sal dhigato ama aad u guursato.

Waadka duwantahay saaxiibadaa, waxaa sidoo kale lagaa rabaa inaad ogaato inaad nolosha ka leedahay hammi ka duwan kooda. Waxa ugu xun nolosha ayaa ah inaad inta guursato aad hadana bilo yar kadib uu burburo guurka sababtoo ah waxaad markaas ogaatay in guurkaas aad ku degdegtay.

2. Lacag

Dadka qaarkood waxay u guursadaan lacag darteed. Lacag ma keento farxadda iyo qanacsanaanta guurka.

Qofna ha guursan adigoo isleh biilasha iyo lacagaha kale ee aad u baahantahay ayuu kaa bixinaa.

Laba mar ka feker kahor intaadan qaadan go’aanka guur noocaas ah.

Related Articles

Back to top button