Saddex Siyaabood Oo Lagu Noqdo Seeyga Ay Xaaskaaga Mar Kasta Ku Riyoon Jirtay

Badanaa haweenka waxay ka cawdaan raggooda oo ay ku tilmaamaan inay yihiin kuwo aanan jacaylka waxba ka aqoon.

Waxaa jira waxyaabo yar yar oo aad sameyn karto si xaaskaaga aad u dareensiiso inay kugu weyntahay.

Ma jirto haweeney u babac dhigi karta nin mar kasta ula dhaqma si wanaagsan. Marka dhaqankaas ha bedelin markaad ku guuleysato qalbiga xaaskaaga.

Waa kuwaan 3 siyaabood oo lagu noqdo seeyga ay xaaskaaga mar kasta ay rabtay.


1. Diyaar u noqo inaad dhageysato waqti kasta

Dumarka waa jecelyihiin ragga dhageysta. Waxay dareemaan in la qiimeeyay marka uu ninka dhageysto oo uu dareen siiyo.

Ha iska indha tirin dareenka xaaskaaga. Noqo la-taliyaheeda iyo qofka garab taagan waxaa hubaal ah inay si aad ah kuu jeclaan doonto.


2. Xasuusi maalin kasta inaad jeceshahay

Dumarka waxay rabaan rag siiya hubin. Mar kasta xasuusi inaad si dhab ah u jeceshahay una xaqiiji.

Shaki kuma jiro inay dareemi doonto inay kugu weyntahay markaad had iyo jeer u sheegto oo u xaqiijiso inaad si dhab ah u jeceshahay.

3. Yeysan ku dhaafin maalin adigoon wicin

Wac ama farriin u dir xaaskaaga ugu yaraan hal mar maalintii. Haweenka waxay rabaan rag ka fekera.

Inaad wacdo ama fariin aad u dirto waxay tuseysaa inaad ka fekereyso. Ku dheh ereyo macaan mar kasta oo aad wacdo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button