3 Hab oo cajiib ah oo loola macaamilo Xaas qeylo badan oo aad si weyn u jeceshahay

Miyay xaaskaaga ku dhaleeceysaa mar waliba oo ay tahay mid qeylo badan? Haddii aad ka naxsantahay oo ay feker kugu heyso arrintaas dabadeed waxaad timaaday meesha saxda ah oo kaa caawineysa xal u helidda arrintaas.

Ficillo yar yar ayaa kaa lumin kara dulqaadka. Uma baahnid inaad guurkaaga u burburiso qeylada xaaskaaga darteed.


Waa kuwaan sadex hab oo cajiib ah oo aad ula macaamili karto xaaskaaga oo qeylo badan.

1. Umuuji naxariis aysan fileyn

Waxaad muran oo dhan ku gaba gabeyn kartaa inaad sameyso ficilo yaryar oo naxariis leh oo eysan kaa fileynin.

Xaas kalgacayl leh oo ku jecel ma qarineyso dhoola caddaynteeda markaad sameyso wax kalgacayl leh inta lagu guda jiro muranka.

2. Lahadal

Hel waqti si aad wax uga qabato arrinta ama xaaladda. Kala hadal arrinta marka ay ku jirto xaalad wanaagsan ama ay degantahay.

Xasuusi jacaylka aad u qabto inta uu la egyahay iyo in muranka uu burburin karo nolosheeda macaan.

Xaaskaaga waxay ubadantahay inay bedesho dabeecadeeda qalafsan markaad si wanaagsan oo kalgacayl leh aad ula hadasho.

3.   Isdeji

Yeysan carada kaa tan badin marka ay xaaskaaga qeylineyso. Waqti kasta isdeji dhib malahan waxay leedahay.

Waxay u badantahay in xaaskaaga ay cashir ka barato habka aad yla dhaqanto marka ay qeylo bilaawdo.

Isdeji oo wax yar kadib kala hadal arrinta si aad u xakameyso isla markaana aad xaaladda u dejiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button