3 Siyaabood Oo Haweenka Looga Keensado Ixtiraam

Dumarku waxay ku ixtiraami doonaan oo keliya haddii aad si wanaagsan u dhaqantid si ay u arkaan inaad tahay qof wanaagsan.

Waa kuwaan sadex waxyaabood oo la sameeyo haddii aad dooneysid xaaskaaga iyo haweenka kale inay ku ixtiraamaan.

1. Ha noqon mid aad u baahi badan

Ha noqon nin ku tiirsan haweeneydiisa. Ninka baahida badan waxay u badantahay inuu xushmad darro kala kulmo haweeneydiisa, haweenka iyo ragga kale, Gaar ahaan markaadan shaqeysan adigoo shaqeysan kara oo uu ilaahay xoog ku siiyay, noqo nin shaqeysta oo xoogiisa isticmaala. Ogoow baahida badan inay kalsoonida yareyso.


2. Shaqeyso

Ha noqon nin maalin iyo habeen iska fadhiyo guriga oo ciyaaraya ama hurdaya. Kasoo tag halkaas ee wax uun guriga keen.

Ma jirto haweeney ku xushmeey doonta haddii aad tahay nooca guryaha fadhiyo oo aanan waxba qaban ama aanan waxba guriga kusoo kordhin.


Inaad guriga ka baxdo oo lacag yar haba yaraatee aad sameyso waa mid aad xushmad ku keensan karto.

Dhib malahan cadadka lacagta aad shaqeysato ama shaqada aad ka sameyso. Ha dooran inaad guriga fadhiisato adigoo shaqeysan kara.

3. Ixtiraam naftaada iyo dadka kale

Markaad ixtiraamto naftaada, Waxaad si toos ah ixtiraam uga heli doontaa haweeneydaada iyo kuwa kale.

Dadka kama filan kartid ixtiraam markaadan ixtiraamin naftaada iyo sidoo kale dadkaas.

Markaad adiga dadka xushmeyso ayay iyagana ku xushmeynayaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button