Lixdaan arrimood oo Haweeneyda ka dhiga Xaas wanaagsan oo cajiib ah

0

Maxaad kala soctaa waxyaabaha haweeneyda ka dhiga xaas wanaagsan oo tayo leh ?

1. Waa qof abaabulan

Xaaska wanaagsan waa qof abaabulan oo qorshe wanaagsan, marka ay haweeney tahay qof diyaarsan, sidoo kale gurigana waxa uu noqonayaa mid diyaarsan, xirfadda qorshayaasheeda wanaagsan waxay ka dhigantahay in hooyga uu mar kasta yahay mid hagaagsan, waana xaas isku dubaradan oo had iyo jeer qaabeysan, yaa heli karo xaas noocaas ah.

2. Kalgacayl ayay leedahay

Xaaska wanaagsan si dhab ah ayay u jeceshahay seygeeda, haween badan ayaa guur gala iyagoo aanan si dhab ah u jecleyn raggooda, balse xaaska wanaagsan waa mid si dhab ah u jeclaata, suurtagal ma ahan inaad noqotid xaas wanaagsan adigoo aanan jecleyn seygaaga.

3. Waa saaxiib

Xaaska wanaagsan ma ahn oo kaliya mid ninkeeda jecel balse waa saaxiib sidoo kale, waxay isku daydaa in xiriir saaxiibtinimo ay la yeelato ninkeeda, waxayna tan sii xoojineysaa xiriirka labada lamaane, xaaska wanaagsan waxay ogtahay inay muhiim tahay inay saaxiib la noqoto ninkeeda.

4. Waa qof dabacsan

Haweeney aanan jilcaneyn ma noqon karto xaas wanaagsan, xaaska wanaagsan waxay ogtahay kaalinteeda iyadoo si walba oo wanaagsan iskugu dayda sidii ay usoo bandhigi lahayd wanaageeda, waxay isku daydaa inaysan noqon xaas qeylo badan iyadoo isku dayda inay xaliso dhibka iyadoo aanan qeylin.

5. Waa taageere

Xaaska wanaagsan waa taageeraha dhabka ah ee seygeeda waqtiga wanaagsan iyo kan xun, waa tan seygeeda ku taageerta marxalad walba niyadana u dhista, waa tan had iyo jeer garab taagan ninkeeda.

6. Daacad

Xaaska wanaagsan waa daacad, waxay ogtahay in hagaagidda guurka ay ku xirantahay  shaqo adag iyo dhabar adeeg, dadaal walba ayay ku bixisaa guurkeeda iyadoo og waxyaabaha hagaajiya guurka iyo waxyaabaha bur buriya.

Xaaska wanaagsan waxaa xushmeeyaa oo qiimeeyaa nin kasta oo wanaagsan oo wax garad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here