XIRIIRKA IYO GUURKA

Waligaa dareenkaaga hakala hadlin Lamaankaaga labadaan waqti

Waa lagama maarmaan inaad xiriir wanaagsan la yeelatid lamaankaaga/lamaantaada. Haku qasbin lamaantaada/lamaankaaga inuu ku dhageysto marka uu isaga ama iyada aysan waqti heynin.

Sug waqtiga ku haboon kahor intaadan la wadaagin dareenkaaga isaga ama iyada.

Waa kuwaan laba waqti oo ay tahay inaad dareenkaaga kala hadlin lamaankaaga/lamaantaada.

1. Marka uu isaga ama iyada careysantahay

Dhibaatooyin badan ayay carada u keeni kartaa xriirka haddii aanan si wanaagsan loo xakameyn. Ha isku dayin inaad dareenkaaga muujiso markaad careysantahay.

Isdaji kahor intaadan ka hadlin arrinta jirta. Intabadan carada ayaa kaa tan badin karta balse waxaa lagaa rabaa inaad sugto illaa aad ka degto si aad degnaan uga hadasho wax walba oo aysan carada kaaga ciyaarin.

Carada xad dhaafka waxay burburin kartaa guurka sababtoo ah waxaad qaadan kartaa go’aan lama filaan ah oo aad hadhoow ka shalaayn karto marka deganaanta wax ka wanaagsan ma jiraan.

3. Marka adiga ama iyada ay walbahaarsantahay

Wax ka qabashada walbahaarka ama walwalka ma sahlana. Way adkaan doontaa inad wax ka qabato arrin adigoo walbahaarsan.

Marka isku day inad xal uhesho wax waliba oo walwal kugu haya kahor inta aadan uso jeesan xalin waxyaabaha kale ee quseeya noloshaada.

Related Articles

Back to top button