4 nooc oo saaxiibo ah oo ay tahay inad leedahay kahor inta aadan gaarin 30 sano

Da’da 30 waa mid muhiim u ah nolosha qofka, iyo nooca saaxiibadaa ee aad heysatid.

Sanado badan, laga soo bilaabo carruurnimada ilaa qaan-gaarnimada, saaxiibtinimadaada ayaa kobci doonta. Laakiin marka ay da’daadu tahay 30 jir, waa inaad heysataa saaxiibada noocaan ah.


1. Kan mar kasta gadaashaada taagan

30 jir, waa inaad ogaataa in saaxiibka kaliya ee aad u baahantahay uu yahay kan gadaashaada taagan. Marxaladdaan noloshaada, waa inaad ogaataa inaad leedahay saaxiib garab kuu ah.

2. Kan leh ereyada wanaagsan ee kula taliya

Mar kasta waad u baahan doontaa saaxiib wanaagsan oo ku siiya talooyin wanaagsan oo anfacaya naftaada. Markaad jirtid 30 sano waa inaad heysataa saaxiib oo mar kasta ku yiraahda waxyaabo wanaagsan si uu kaaga dhigo qof wanaagsan kuna siiya talooyin ku anfacaya.

3. Saaxiib kaa qoslin kara

Mar kasta waxaa jira saaxiib qaas ah oo kaa qoslisiin kara sabab la’aan, Fikradaha qofkaas ayaa kaliya kugu kicin kara oo kaa qoslin kara.

Saaxiibada noocaan ah way kaa dhoolacadeysiin karaan xitaa adigoon rabin, waana kuwo qiimo u leh noloshaada.

4. Kan runta kuu sheega

Dhammaanteen waan sameynaa qalad, waana muhiim inaad leedahay saaxiib daacad ah oo aanan ka xishooneyn in runta kuu sheego. 30 jir ahaan  waa inaad heysataa saaxiib noocaas ah oo aanan ka labalabeyneyn inuu runta kuu sheego.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button