Talooyin-kaan qaado oo bad baadi guur qarka u saaran burbur

Xiriirkaaga marxalad adag maku jiraa oo qarka ma u saarantihiin inaad kala tagtaan ? ha sameynin taas oo ka bad baadi xiriirkaaga inuu bur buro.
Waa kuwaan afar talo oo aad ku bad baadin kartid xiriirkaaga
1. Ogoow Dhibaatada
Xiriirkaaga bur bur kama ilaalin kartid, haddii aadan dhibaatada xiriirka heysato aadan farta ku fiiqin.
Markii aad farta ku fiiqdid waxa dilaya xiriirkaaga, waxay fududaaneysaa in la xaliyo dhibaatada.
2. Kala hadal lamaankaaga/lamaantaada
Iminka waad ogtahay dhibka, kala hadlidda lamaankaaga lamaantaada tallaabada xigta, marka aad kala hadashid lamaankaaga, waa inaad ogtahay inaysan ahayn waqtigii qofba qofka kale ku eedeyn lahaa balse waa fursad lagu gorfeynayo dhibka heysta xiriirka
3. Qaado qaladaadkaaga
Kuuma suurta galeyso inaad bad baadisid xiriir bur buri raba haddii aasan qaladkaaga qaadan, waa inaad garataa inaad qeyb ka ahayd sidaa darteed isku diyaari inaad qaadatid mas’uuliyadda kaalintaada adigoo ogolaanaya in wax walba la xaliyo.
4. Cafis
Tilmaamaha kale oo dhan waxba tari mayaan haddii aadan ogoleyn cafis, haddii aad qadarineyso xiriirkaaga isla markaana aad rabtid inuusan burburin, waa in labadiina midba midka kale uu cafiyaa.
Diyaar ma u tahay inaad bad baadisid xiriirkaaga?