UGAAR AH DUMARKA: 5 Tilmaamood oo ku tusaya in ninka aad xiriirka la leedahay uu qalbiga kaa jabi doono

Haddii aad xiriirkaaga ku aragto calaamadahan hoos ku xusan waxaad wajaheysaa qalbi jab xaaladaadana halis ayay ku jirtaa.

1. Wuu ka xishoodaa inuu saaxiibtiis ahaan kuusoo bandhigo

Haddii saaxiibkaa uu marnaba sheegin inaad tahay saaxiibtiis ama saaxiibtiis ahaan uusan kuusoo bandhigin, waa inaad ogaataa inaadan ahayn saaxiibtiis isla markaana aadan waligaa noqon doonin. Qalbiga ayuu kaa jabin doonaa wax yar kadib haddii aadan hadda ka tagin.

2. Wuxuu heystaa naag kale


Waxaad wajaheysaa niyad jab haddii saaxiibkaa uu leeyahay haweeney kale oo qeyb ka ah noloshiisa. Ninka kaa dhiga saaxiibtiis isagoo xiriir laleh haweeney kale waa hubaal inuu niyadda kaa jabin doono waana mid iska cad hadda iskaga tag.

3. Ma ogola inuu la kulmo qoyskaaga

Ninka aanan rabin ee iska ilaaliya la kulanka qoyskaaga ma daneynayo inuu mustaqbal kula wadaago. Ninka aanan rabin inuu mustaqbal kula wadaago waala hubaa inuu qalbiga kaa jabin doono.


4. Taleefankiisa ayuu kaa ilaaliyaa

Waxaad u socotaa wadne xanuun iyo qalbi jab haddii ninkaaga uu taleefankiisa kaa ilaaliyo. Dabeecaddan waxay muujinaysaa inuu hayo wax badan oo uu kaa qarinayo, qalbigaaga halis ayuu ku jiraa

5. Mar dhif ah ayuu kula soo xiriiraa

Mar dhif ayuu kusoo wacaa wuxuuna markaas kaa rabaa raaxo ama galmo. Nin aanan rabin inuu si joogta ah kuula soo xiriiro kuma rabo. Si deg deg ah ayuuna qalbiga kaaga jabin doonaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button