XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 6 Waxyaabood oo yar yar oo uu ninkaaga kaa doonayo gabaryahay

Waxaa jira waxyaabo yar yar oo muhiim u ah xiriirka kuwaas oo ah kuwo uu seygaaga kaaga baahanyahay inaad u sameyso.

Waa kuwaan 6 waxyaabood oo yar yar oo uu ninkaaga kaaga baahanyahay.

1. Dhiiri geli marka uu niyad jabsanyahay

Nin kasta waxa uu rabaa haweeney taageeri doonta isla markaana aaminsan marka uu qof kasta uusan ku kalsooneyn isaga. Wuxuu rabaa haweeney niyadda u dhista oo niyadda u dhista marka uusan niyad heyn.

2. Kalgacayl u muuji qoyskiisa

Qoyskiisa waa qeyb kamid ah noloshiisa wuuna jecelyahay markaad rabitaan iyo kalgacayl dhab ah u muujiso qoyskiisa.

Mar kasta wax ka weydii qoyskiisa, iskuna day inaad waqti la qadato mararka qaar ama aad u iibiso hadiyado.

3. Usameey waxyaabo uu jecelyahay

Nin kasta waxa uu doonayaa in si gaar ah ay ula dhaqanto xaaskiisa kuna darso markaad si gaar ah ula dhaqanto oo aad u muujiso inuu ku weynyahay oo uu qiimo kuugu fadhiyo waxaad kordhisay jacaylka uu kuu qabo.

4. Udir farriimo macaan

Udiritaanka farriimo macaan waxay tuseysaa inaad ka fekereyso waana mid ka dhoolacadeysiineysa farxad darteed sababtoo ah wuxuu ogaanayaa inuu leeyahay qof aad u jecel.

5. Hab sii oo dhunko isagoo fileyn

Hab siinta iyo shumiska waa kuwo macaan balse waxay aad usii macaanyihiin markaad siiso isagoon kaa fileyn. Inaad si lama filaan ah hab u siiso oo aad u dhunkato waxay sii xoojineysaa awoodda xiriirka.

6. Daryeel

Ragga waa caruur waa weyn kuwaas oo u baahan haween daryeela. Wuu jecelyahay markaad dhinaciisa joogtid xilliga uu xanuunsanyahay, ukari cunno qaas ah oo mar kasta hubi inuu wanaaagsanyahay

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid