10-kaan jumladood ha isticmaalin markaad la hadleyso Seygaaga/Xaaskaaga

Eereyada waa kuwo xoojin kara xiriirka sidoo kalana burburin kara marka waa muhiim inaad isticmaasho ereyada wanaagsan.

Waa kuwaan 11 jumladood oo ay tahay inaadan u isticmaalin lamaankaaga/lamaantaada.

1. “ Sabab aadan u noqon karin sida…..?”

Marna ma fiicna inaad seygaaga/xaaskaaga la barbardhigto cid kale. Xitaa haddii aad isku dayayso inaad ku caawiso oo ay gaarto ama uu gaaro oo ka wanaagsanaato qofka aad la barbardhigeyso dhaawac ayaad u geysatay.


2. “Dhib kaliyaa tahay”

Marnaba xaq uma lihid inaad lamaantaada/lamaankaaga ku tiraahdo sidatan sababtoo ah waxaad tilmaamtay inaysan jirin waqti farxad leh oo aad la qaadatay.

3. “Ma sameyn kartid wax wanaagsan”

Waxaad lamaantaada/lamaankaaga darensiineysaa inaysan qiimo lahayn markaad ku dhahdo sidatan. Haddii aad si dhab ah qof u jeceshahay, marnaba kama dhigeysid qofaan qiimo lahayn.


4. “Waa fiican”

U sheegista lamaantaada/lamaankaaga inaad fiicantahay marka ay muuqato inaadan faraxsanayn  oo aadan wanaagsaneyn waa khalad. Lammaantaadu/lamaankaagu ma aha maskax-akhriye sidaas darteed waa muhiim inaad sheegto sida aad dareemeyso.

5. “Nacas ayaa tahay”

Marnaba lamaantaada/lamaankaaga ha ugu yeerin nacas ama dabaal xaalad kasta. Waa inaadan marnaba u gefin garaadka gacalisadaada/gacaliyahaaga xitaa haddii aad xanaaqsantahay ha ugu yeerin.

6. “Aad ayaad u xuntahay”

Inaad sidaan uga hadashid muuqaalka lamaantaada oo aad ku tilmaamtid mid aad u xun waa qalad waxayna dileysaa kalsoonida ay ku qabto quruxdeeda ama muuqaalkeeda.

7. “Hadaad i jeceshahay waxaad iisoo iibin doontaa ….”

Inaad lamaantaada ka dalbato hadiyado caddeyn jacayl ah waa qalad weyn waana xukun. Jacaylku waa inuu noqdaa shuruud la’aan.

8. “Qaladka dhan adigaa isleh”

Inaad qaladka dusha ka saarto lamaantaada marka ay wax qaldamaan ma ahan wax wanaagsan, qaladka dhan mawada yeelan karto.

9. Xaaskeygii/ninkeygii hore ayaa ku wanaagsanaa sariirta

Waa qalad kale oo aad u weyn in lamaantaada aad u sheegto in xaaskaagi hore aad kala tagteen ay ku wanaagsaneyd sariirta. Xaaska aad markaas qabtid waa inay noqotaa mida ku wanaagsan saiirta.

10. Waa inaad ogaataa sida aan dareemaayo

Lamaantaada ma ahan maskax aqriye sidaa darteed ma ogaan karto sida aad dareemeysid ilaa aad ka muujiso dareenkaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button