Shantaan calaamadood Haweeneyda leh way adagtahay in la helo

Qaar kamid ah haweenka  waxaa lagu sifeeyay dahab; haweenka noocaan ah waxay noqdaan xaasaska ugu wanaagsan, iyagoo leh wax walba oo uu ubaahanyahay nin qiimo leh.

Waxay leedahay tayooyinka hoos ku xusan:-

  1. Waa daacad

Haweeneyda sidii dahabiga ah waa xaas daacad ah; waa taageeraha ugu weyn ee ninkeeda.

Marka ay xiriir nin laleedahay, waxa walba ayay ku bixisaa si xiriirkaas u shaqeeyo isla markaana u guuleysto.


  1. Waa mid kalsooni badan

Haweeneyda dahabiga ah oo mid kalsooni badan; maba ku siiso sabab aad uga shakiso, marka ay sheegto inay meel joogto, waad ogtahay inay meeshaas joogto, nolol maalmeedkeeda ayaa ku tusaya inay tahay qof la’aamini karo.

  1. Waa qof garasho leh

Haweeneyda dahabiga ah waa tan fahamka leh; waa qof xasiloon oo had iyo jeer isku dayda inay ninkeeda la dhisto xiriir isfaham ku dhisan, waa qof cafis leh, waa qof hilmaamta qaladka laga galo, marka ay iyada gashana raali gelin ka bixisa.

  1. Waa qof xushmad badan

Haweeneyda dahabka ah ee aanan la heli Karin, waa tan xushmadda badan; waxay qiimeysaa wax kasta oo ninkeeda u sameeyo, dhib malahan si walba oo ay u yaryihiin.


  1. Waxay leedahay qalbi dahabi ah

Dabcan, waxay leedahay dahabi ah, run ahaantii waa qof qiimo badan, naxariis leh, oo cafis fudud, aanka gudubno wixii hore oo aan bilaawno maalin cusub oo xor ka ah wal walkie shalay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button