3 Su’aalood oo ku tusaya haddii Lamaantaada oo ku qiyaantay ay u qalanto inaad cafiso

La-dhaqanka lamaan qiyaano badan ma ahan mid sahlan oo dhibkeeda ayay leedahay.

Su’aalo badan ayaa kusoo dhacaya maskaxdaada haddii isaga ama iyada ay ku qiyaanto.

Waa niyad jab daran inaad ogaato in nin ama naag aad si weyn u aamintay ay ku qiyaanto.

Waa kuwaan 3 su’aalood oo kuu sheegaya haddii ay mudantahay inaad cafiso lamaan ku qiyaanay.


1. Hore makuu qiyaanay/makuu qiyaantay?

Qofka ay qiyaanadda u noqotay dabeecad way adagtahay inuu isbedelo. Haddii ninkaaga ama naagtaada lagu yaqaan qiyaano dabdeed waa inaad laba mar ka fekertaa.

Lamaan oo qiyaano kaliya ah kuuma qalmo. Waqtigaaga haku lumin lamaan noocaas ah haddii aad rabtid mustaqbal wanaagsan oo aad ku faraxdo.

2. Muxuu kuu qiyaanay/ kuu qiyaantay? 

Waa inaad heshaa sababta keentay in lamaankaaga/lamaantaada ay ku qiyaanto.

Qaar kamid ah sababaha ay kuu qiyaantay ama uu kuu qiyaanay waa dabaalnimo mana mudna fursad labaad.

Weydii isaga/iyada sababta ka dambeysa qiyaanada kahor intaadan go’aan qaadan.

3. Maxay sameyn doonaa isaga/iyada haddii ay mar kale ku qiyaanto?

Waa inaad u diyaar garoowdaa xumaan walba kadib markaad cafiso lamaantaada qiyaanada badan.

Ogoow in ninka ama naagta ay mar kale ku qiyaani karto. Diyaar u noqo inaad qaadato xanuunka ka dhalan doonta kadib marka ay mar kale ku qiyaanto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button