3 Qaab oo haweeney ku diidan aad jacayl uga keensan karto

Ragga way ku adkaataa qaadashada marka ay haweeney diido ama ay ku dhahdo maya.

La-tacaalidda diidmada ma ahan wax sahlan gaar ahaan marka aad si dhab ah u rabto.

Sadexdaan waxyaabood waxay kuu sahlayaan in haweeneyda ku diiday ay maskaxdeeda bedesho.

1. Si xushmad leh ula hadal

Inaad si xushmad ku jirto ula hadasho gabadha ayaa sababi karta inay dib uga fekerto go’aanka diidmada ah ee ay kaa qaadatay.


Haweeneyda iyadoo ku diiday aad si ixtiraam leh ula hadasho ogoow waaka guuleysatay, waana daabeecadda lagu yaqaan ninka ragga ah ee wanaagsan.

Haweenka waxay dareemaan in la qiimeeyay marka la qadariyo, waana wadada kaliya ee aad kaga guuleysan karto.

Xushmadda aad u muujiso ayaa sidoo kale keeni doonta in iyadana ay ku xushmeyso.

Ha aflagaadeyn haddii ay ku dhahdo maya ama ku diido.

2. Daacad ka noqo dareenkaaga/Rabitaankaaga

Si dhab ah uga hadal dareenkaaga ku aadan gaabdha. Waxa ka qarin, dumarka waa jecelyihiin ragga si xor ah uga hadla maskaxdooda.

Been ha u sheegin haddii aad ka rabtid mustaqbal oo u sheeg wixii daacad ah sababtoo ah been wax beey burburineysaa ee wax mahagaajineyso.

3.Dhageyso waxa ay kuu sheegto

Ragga qaarkood waxay bilaabaan inay iska indha-tiraan haweenka, sababtoo ah waxay diideen inay dhegaystaan. Hagaag, taasi ma ahan wax wanaagsan oo la sameeyo marka aad dareento inay ku diiday.

Dhageyso fikirkeeda, Waxaa suurtagal ah inay laba mar dib uga fekerto diidmada ay ku diiday.

Xasuusnoow in ninka wax dhageysta uu yahay nin kalgacayl iyo xushmad leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button