Tuug isku dayay inuu Mobile ka dhaco Gabar Feeryahanad ah & Waxa ku dhacay kadib (Daawo Sawirro)

Xidigta feerka ciyaarta ee Polyana Viana, ayaa dhaawacyo culus u geysatay nin tuug ah oo isku dayay inuu dhaco.

Tuuga ayaa xittaa feeryahanadda ka baryay inay wacdo booliiska isagoo ka cabsi qabay garaacis kale kadib markii uu beegsaday qof qaldan oo ay adagtahay in si sahal ah lagu dhaco.


Tuugga ayaa u yimid Polyana Viana, xilli ay sugeysay gaari ay wacatay isagoo ka dalbaday inay taleefanka soo wareejiso.

Kadib markii uu ku cabsi galiyay inuu qoray wato Polyana Viana, ayaa kala tuurtay iyadoo iskugu dartay feedh iyo haraanti.

Feeryahanadda 26 jirka ah ee u dhalatay Baraasiil ayaa tuugga gacanta ku heysay waxayna kadib u yeertay booliiska oo ay ku wareejisay.

Waxay sheegtay in marka uu tuuga arkay ay iyadana aragtay waxayna sheegtay inuu dhinaceeda fadhiistay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button