UGAAR AH DUMARKA: 4 Calaamadood oo lagu garto marka uu ninka jacayl kuu qaado

0

Waxaa jiraan calaamado lagu garto marka uu nin la kulmo gabar uu ka helay ama uu rabo.

Marka laga soo tago inuu ka helay gabadha isla markaana uu rabo inuu si wanaagsan u barto nafteeda iyo wax walbo oo ku saabsan gabadhaas, tallabada xigta ayaa ah inuu jacayl u qaado. 

Hadaba, hoos ka aqriso calaamado la hubo oo lagu garto in ninkaas uu jacayl u qaaday gabadha.

1. Dhib kasta ayuu maraa si uu uga farxiyo

Ninka ku jecel kama fekeraayo dhibaatada uu marayo si uu kaaga farxiyo, waana wax uusan qof kale u sameyneyn. Uma arko culeys inuu dhib walbo dartaa u maro waana calaamad lagu garto.

2. Dareen farxadeed

Waxaa jirta in ninka marka uu la joogo gabar uu jecelyahay uu dareemo farxad iyo raaxo.
Dareenka farxadeed ee uu heysto marka uu la joogo gabadha hanatay qalbigiisa waa mid aanan la sharixi karin balse waxaa la dareemi karaa sida uu ugu faraxsanyahay la joogeeda.

3. Wuxuu ula macaamilaa si gaar ah

Dabcan, wuxuu kuula macaamilayaa si gaar ah si uu u cadeeyo inaad qiimo weyn ugu fadhiso. Waxa laga yaabaa inuusan sheegin wax badan, laakiin wuu hubaa inuu sameyn doono wax badan.

4. Wuxuu jecelyahay la joogeeda

Ka sokoow farxadda iyo inuu kuula macaamilo si gaar ah; Wuxuu inta badan jecel yahay inuu kula joogo. Marka uusan sugi karin kulanka soo socda ama inta uu mar kale ka helo fursad uu kugula joogo, taasina waa mid cadeyneysa inuu ku jecelyahay.

Haddii nin uu ku tuso calaamadahan gabaryahay, dabadeed wuu kaa helay dareenkiisa oo dhanna xagaaga ayay soo jiraan mana uu qarin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here