Nin dab isqabad siiyay kadib markii ay Xaaskiisa ka tagtay

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in nin 40 sano jir ah oo lagu magacaabo Abdullahi Jafaru, cisbitaal la dhigay kadib markii uu isku dayay inuu isdilo isagoo dab isqabadsiiyay.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska oo lagu magacaabo Abdu Jinjiri, ayaa xaqiijiyay falkaas isagoo sheegay inuu ka dhacay caasimadda gobolka Jigawa ee Dutse.


Waxa uu sheegay in ninkaan uu doonayay inuu nafta isdhaafiyo maadaama uu xaaskiisa Halima Abdullahi, ku qancin waayay inay guriga kusoo laabato kadib isfaham waa soo kala dhex galay lamaanaha.

“Haweeney lagu magacaabo Halima Abdullahi ayaa ka tagtay gurigii lagu soo guursaday sababtoo ah waxay isfahmi waayeen seygeeda Abdullahi Jafaru, oo 40 sano jir ah,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

“Isku day uu sameeyay Abdullahi si uu Halima oo ah xaaskiisii ugu horeeysay una dhashay 6 caruur ah ugu soo celiyo guriga ayaa suurta gali weysay,”.

“Sidaa daraadeed, Cabdullaahi waxa uu ku adkaystay in aan loo dulqaadan karin inuu noolaado iyada oo aan la helin xaaskiisa quruxda badan ee uu jecelyahay, markaa waxa uu isku shubay naafto isagoona dab isqabadsiiyay,” ayuu yiri afhayeenka.

“Abdullahi wali waala daaweynayaa balse wuxuu ku dhawaaqayaa magaca Haliima, iyadoo ay jirto in xaaskiisa labaad ay la joogto cisbitaalka,” ayuu yiri Jinjiri.

Ugu dambeyn, booliiska ayaa samata bixiyay  Abdullahi oo ula cararay cisbitaal halkaas oo iminka lagu dabiibayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button