UGAAR AH LAMAANAHA: Afar Qaab Oo Lagu Ilaaliyo Faraxadda Guurkaaga

Waa kuwaan waxyaabaha kaa caawin kara inaad heshid guur iyo xiriirka farxadda leh ee aad rabtid.


1- Guurka wuxuu ku wanaagsanyahay isla markaana xoog ku yeeshaa in la is xushmeeyo, xiriir aanan lahayn xushmad ma jiri karo waana mid burburo ugu dambeyn, xushmadda iyo xaqdhowrka waa farxadda jacaylka iyo guurka, haddii aadan xushmeyn Karin lamaankaaga ama lamaantaada wax waliba waa burburayaan.

2- Dadka waxay yiraahdaan iska cafi oo iska illoow, balse mararka qaar taasi waa qalad waxyaabaha qaar oo waxaa jira aanan la illoobi Karin, balse xaqiiqda ayaa ah inaad yeelatid guur farxad ku dhisan waa inaad diyaar u noqotaa in waxyaabaha qaar aad cafisaa oo waxyaabaha qaar aad hilmaamtaa, cafiska ma ahan inaad guul dareysatay micnaheeda wuxuu yahay inaad tahay qof wanaagsan oo arka wanaagga.

3-  Xiriirkaaga wuxuu u baahanyahay in la nooleeyo, waxaan ula jeedaa waqti la qaado lamaankaaga/lamaantaada, waqtigaas iyo kulanka waxay keenayaan Isfahan qoto dheer oo idin dhex mara, waxana ku leeyahay xiriir ku dhisan Isfahan iyo kalgacayl maranaba ma burburo.


4- Waxaa wanaagsan marka ay cillad jirto inaan lakala qarsan, marka aadan faraxsaneyn oo ay wax kaa qaldanyihiin haka aamusin la hadal intii aad qarsan lahayd waxaa wanaagsan qalad walba iyo wax walba oo kaa qaldan inaad la wadaagtid lamaankaaga xittaa haddii uu qalad kaa galay waa bini aadam u sheeg, waligaa haka laba labeyn inaad dhibkaaga usoo bandhigtid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button