Sadexdaan Calaamadood Ninka Aad Ku Aragto Xittaa Uma Qalmo Inaad Fariinta Uga Jawaabto

Source: Aayaha Online

Qoraalku wuxuu ka mid yahay hababka caanka ah ee la iskula xidhiidho.Ragga waxay malaayiin fariimo ah u diraan haweenka ay jecelyihiin.

Mararka qaar waa fikrad wanaagsan inaadan fariinta ka jawaabin.

Waa kuwaan 3 calaamadood oo ku tusaya inuusan u qalmin inaad fariinta uga jawaabto.

  1. Waa dhaleeceyn badanyahay

Marnaba waqtiga ha iskaga lumin fariin uga jawaabidda qof ku dhaleeceeya kaana bixiya hadallo nacasnimo ah. Hadalladaas waxay muujinayaan inuusan ku qiimeyn.

Wuxuu kaa dhigayaa qof liita oo aanan u qalmin sharafta uu markaas leeyahay.


Ha isku dhibin la hadalka nin sidaas u dhaqma.

  1. Waad ogtahay inuu qof kale shukaansado

Nin shukaansada haweeney kale uma qalmo waqtigaaga. Qaado xaqiiqda ah in haweeney kale ay qaadatay horeyna uga soco.

Inaad shukaansato nin naag kale shukaansado waa waqti lumis haddii aad adigoo og sii shukaansatana waa nacasnimo iyo naftaada oo aad liiday.

  1. Wuxuu ka sheekeeyaa galmo

Farriimaha ku saabsan galmada waxay noqon karaan halkaan arrin. In ninka uu kaa rabo inuu kula seexdo oo ah arrin aanan xiriir la lahayn mustaqbal.

Inaad ka jawaabtid farriimaha ninka noocaas ah waxay ka dhigantahay inaad diyaar u tahay qorshiihiisa.

Kaliya haweeney dooneysa in si hoose loola hadlo ayaa ka jawaabta fariimaha noocaas ah marka ma jirto baahi keeneysa inaad u jawaabto ninka kaa raba arrintaas halista ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button