ARIMAHA BULSHADALAYAABKA

Haweeney nolosha ku gubtay ninkeeda kadib markii uu diiday inuu siiyo nambar sireedka taleefankiisa (Sawirro)

Haweeney u dhalatay dalka Indonesia ayaa nolosha ku gubtay seygeeda kadib markii uu diiday inuu siiyo nambar sireedka taleefankiisa (Password).

Dedi Purnama, oo ah 26 jir ayaa ka dayactirayay saqafka kore ee gurigooda marka ay xaaskiisa Ilham Cahyani, oo 25 jir ah ay weydiisay nambar sireedka taleefankiisa.

Dedi Purnama, ayaa diiday inuu xaaskiisa siiyo nambar sireedka taleefanka taasoo dhalisay muran xoogan oo dhex mara lamaanaha.

Inta lagu guda jira muranka seeyga ayaa u gacan qaaday haweeneydiisa kahor inta aysan ku shubin shidaal oo aysan dab qabadsiin seygeeda Dedi Purnama .

Mr Purnama ayaa u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray, iyadoo falkaan uu ka dhacay gobolka West Nusa Tenggara ee dalkaasi Indonesia.

Taliyaha booliiska degmada East Lombok Made Yogi, ayaa sheegay in muran afka ah oo dhex maray lamaanaha uu xoogeystay markii Mr Purnama uu kasoo degay saqafka kore ee guriga isla markaana uu ugacan qaaday xaaskiisa.

Cahyani ayaa la sheegay inay qabsatay shidaal oo ay ku shubtay seygeeda kahor inta inta aysan dab qabadsiin iyadoo isticmaaleysa qarxisada lagu daarto sigaarka.

Goobjooge lagu magacaabo Oji, ayaa u sheegay wariyeyaasha inuu u cararay hooyga lamaanaha kadib markii uu arkay holaca isla markaana uu gacan ka geystay inuu banaanka u soo saaro.

Mr Purnamam, ayaa loola cararay xarun caafimaad oo lagu magacaabo Keruak halkaas oo looga daaweynayay dhaawacyadii naxdinta lahaa ee soo gaaray.

Sawirro laga soo qaaday 26 jirka ayaa waxaa ka qeybaha sare ee jirkiisa ka muuqanaya dab xoogan xilli uu ku jiifo joodari.

Mr Purnama ayaa laba maalin kadib ku geeriyooday isbitaalka.

Cahyani ayaa la xiray lana sheegay in lagu hayo xabsi ku yaalla Saldhigga Bilayska Gobolka East Lombok, inkastoo aysan caddayn haddii la soo eedeeyay.

Baaritaan ayaa lagu hayaa dhacdada.

Related Articles

Back to top button