Qaababka Ugu Wanaagsan Ee Aad U Seexaneysid Markaad Uurka Leedahay (Aqriso)

Dhammaanteen waxaan u seexanaa qaabab kala duwan oo aan isleenahay waadku hurdi kartaa, si kastaba haweeneyda markii ay uur yeelato waa inay bedeshaa.

Markii aad uur yeelatid, caafimaadkaaga iyo kan canuga caloosha ku jiro ayaa wax walbo ka muhiimsan, haddaba qaababka aad u seexaneysid waa inay noqdaan kuwo uwanaagsan canuugaaga.

Bilaha ugu horeeyo ee uurkaaga waxaad u seexan kartaa sidaa doontid balse markii ay caloosha soo weynaato oo nuux nuuxsi ay keento waxaad u baahantahay inaad bedeshid qaababkii hore ee aad u seexan jirtay waxaad ogaaneysaa inaadan caloosha ku seexan karin.

Haddaba waxaad heysataa labadaan dookh oo kala ah inaad dhabar dhabar u seexatid iyo inaad dhinac dhinac u seexatid.

Inkastoo markii aad dhabar dhabar u seexatid aad dareemi kartid raaxo hadana dhaqaatiirta ma aysan amaanin qaabkaas.

Useexashada dhabar dhabar waxay sameyneysaa nidaamka neefta isla markaana waxay keenysaa xanuun sidaa darteed waxay sidoo kale saameyneysa wareega dhiiga iyo nafaqeynta ilmaha yar ee caloosha ku jira.

Hoos u dhaca wareegga dhiigga ee jirkaaga waxuu halis galinayaa caafimaadka canuga, cilmi baaris ayaa sheegeytay in haweenka dhabar dhabar u seexda markii uurka leeyihiin ay qatar ugu jiraan inay dhalaan caruur aan bila dhanmeysan.


Sidaa darteed, qaabkee ayaa ugu waagsan inay haweeneyda u seexato markii ay uurka leedahay?

Qaabka kaliya ee ay tahay inaad u seexatid ayaa ah dhinac dhinac, gaar ahaan waa inaad u seexataa dhinaca bidix kaasoo ammaan u ah adiga iyo Canugaba.

Haddii dhinac useexashada aadan u baran waadku cel celineysaa bilaha ugu horeeyo ee uurka taas waxay kaa caawin doontaa inaad la qabsatid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button