3 Sabab oo kugu qasbaya inaad iska iloowdo nin ama naag aanan fariimaha kaaga soo jawaabin

Wuu iska indha tirayaa fariimahaaga. Marna waqtigaaga qaaliga ah ha iskaga lumin helitaanka nin ama naag aanan ku rabin.

Haddii wiilka ama gabadha aysan rabin in fariimahaaga kasoo jawaabto ha isku dhibin walaashey/walaalkey way iska cadahay inaysan ku rabin ama uusan ku rabin.

Waa kuwaan sababaha kugu qasbaya inaad joojiso.

  1. Kuma jecla

Isgaadhsiintu waa mid muhiim u ah xiriirka. Haddii uusan rabin ama aysan rabin inuu kaaga jawaabo farriimahaaga, waxaa cad in uusan ku jecleyn.

Waxaad u baahan tahay qof si aad ah kuu jecel oo aad ku faraxsantahay aduunyada, uma baahnid qof aanan ku rabin, waxaad u qalantaa qof si dhab ah kuu jecel.


Waa wax aan caqli gal ahayn inaad u halganto oo dhib aad u marto qof aanan ku rabin oo ugu dambeyna qalbi jab kaaga tagi doona.

  1. Qof kale ayuu shukaansadaa/shukaansataa

Waxaa suurtagal ah inuu shukaansado/shukaansato haweeney kale ama nin kale haddii uusan kaa walwelin ama aysan kaa welwelin oo aysan wax dan ah ku siin.

Waqtiga ha iskaga lumin inaad fariimo u dirto nin gabar kale jecel ama naag nin kale jecel oo uu xiriir kala dhexeeyo.

Waxay u badantahay inuu kuu arko inaad tahay qof aad ugu baahan, taasoo ugu dambeyn keeni karta inuu si xun kuu baahdilo.

  1. Waxaa jira qof kale oo ku qiimeynaya

Qof kasta qofaa loogu talagalay. Waxaad sidoo kale heli doontaa qof ku qiimeynaya oo ku raba.

Dooro qofka ku jecel intaad jeclaan lahayd qof aanan ku rabin sababtoo ah naf ku jecel aduunyada ayaa ugu wacan wax nolol aad la wadaagto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button