2 qaab oo fudud oo lagugu qaban karo adigoo ka been sheegaya warqadaada codsiga shaqada (CV)

Haddii aad u maleyso in ka beensheegidda warqada codsiga shaqada ama CV-ga ay kaa caawineyso inaad deg deg shaqo u hesho, waa inaad mar kale ka fekertaa.


Waxaa laga yaabaa inaad maqashay dad shaqo codsaday oo warqada codsiga shaqada ka beensheegay inay shaqo heleen, balse dib ayay dhibaato kala kulmi doonaan way dhaawici doontaa.

Waa kuwaan 2 qaab oo dadka aad u shaqeyneyso ku qaban karaan beenta ku qoran CV-gaaga.

Baaris baraha bulshada


Tani waa habka ugu sahlan ee lagu soo bandhigo warbixin been abuur ah oo aad ku qoratay warqadaha codsiga shaqo raadinta.

Haddii aad leedahay baro bulsho sida Facebook ama Twitter, waxaa muhiim ah in taariikhda iyo macluumaadka kale ee asaasiga ah ee kuugu qoran barahaaga bulshada iyo warqadaha shaqada aad ku codsatay inay isyeeshaan.

Dadka loo shaqeeyo ayaa og in mararka qaar dadka shaqo doonka ah ay qortaan taariikh iyo khibrad aysan lahayn si ay shaqo ugu helaan, waana sababta ay baaris ugu sameeyaan baraha bulshada qofka shaqo doonka ah.


Dabagal

Waa wax la fisho in dadka markaas aad u shaqeyneyso ay la xiriiraan maamulka shirkad ama dad aad horey ugu soo shaqeysay, ama sidoo kale goobaha waxbarashada si ay u xaqiijiyaan sheegashada shahaadooyinkaaga.

Xittaa haddii baaritaankan uusan dhicin kahor intaan shaqada lagu siin, waxaa suurtagal in shirkadda ay maalin go’aansato sameynta qiimeyn guud iyo hab hubin ay ku sameyneyso dhammaan shaqaaleheeda, haddii CV-gaaga been lagu arko, waxaad wajihi doontaa ceeb daran.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button